Warbixn :Laba Arin Oo Sabab U Aheyd Guushii Arsenal Ay Xalay Ka Gaareen FC Cologne

Kooxda Arsenal ayaa xalay guul 3/1 ah waxa ay ka gaareen kooxda FC Cologne oo marti ugu aheyd kullan ka tirsanaa wareegga 1-aad ee Group-yada ee tartanka Europa League .

Hadaba laba arin ayaa loo cuskunayaa guushii Arsenal ee kulankaas xilli goolka looga horeeyay iyaga

1- Sanchez waxa uu kulankaas muujiya mar kale in uu yahay xididga kooxda iyo in uu yahay xiddig cajiib ah

Laacibkaas reer Chile mar waliba uu ku soo muqudo hami sareeya ,go`aan iyo baahi ah in uu guul gaaro dhab ahaan waqtiyada ay Arsenal xaalka ku adag tahay waa bad baadiyaheeda sida xalay dhacday , ceeb ayayna tababare Wenger ku nqoneysaa haddii laacibkaas uu Arsenal xagaaga dambe uga huleelo qaab xor ah maadaama hishiiskiisa uu ku siman yahay waqtigaas

* Guushii Xalay Wenger Saameyn Weyn Ayuu Ku Leeyahay Waxa Uuna Mudan Yahay Ammaan .

* Xilli wacan ayuu badalay shaxdii uu kulankaas ku biloowday taasi oo aheyd 1.3.2.4 waxa uuna u rogay 3.4.3 ,dhab ahaan bahda kooxda.com waxa ay xusayaan in uu ahaa go`aan wacan waliba kooxda ka caawiyay in ay natiijada ku daba rogaan FC Cologne

Sead Kolašinac oo badal ku soo ku galay kulankaas daqiiqadihii biloowga qeybta labaad ee ciyaarta waxa uu helay xoriyad dhanka weerarka ah halka Sanchez-na uu dhibaato badan ku abuuray kooxdaas reer Jarmal isaga oo adeegsanayay deg degsiimadiisa iyo dhaq dhaqaaqiisa sareeya oo dhanka bidix ayuu ka daaliyay

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abdala moha says:

    ANAA INA WASA WIXII KUBADA DHEELA OO DHAN




.




.




%d bloggers like this: