Hordhac: BATE Borisov vs Arsenal: Arsenal Oo Isha Ku Haysa Guushii Labaad Oo Xiriir Ah

Kooxda Arsenal ayaa u safri doonta dalka Belarus si ay halkaas ugula soo ciyaarto kooxda BATE Borisov kulan ka tirsan wareega Group-yada Europe League.

Gunners ayaa kulankan soo galaysa iyada oo guul weyn u bilaabatay xilli ciyaareedkeeda Europa League kadib markii ay 3/1 ku garaacday kooxda Koln.

Arsenal ayaa kulanka soo gali doonta iyada oo hal il ku haysa kulanka Axada sidoo kale ku ciyaari doonta shax adag si ay guul ugala soo laabtaan Belarus.

Kulanka: BATE Borisov vs Arsenal FC

Tartanka: Europa League

Wakhtiga: 8:00 habeenimo

Garoonka: Borisov Arena.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa ah kulankii ugu horeeyay ee ay wada ciyaaraan kooxaha BATE Borisov iyo Arsenal kana tirsan Europe league.

Kooxda Arsenal ayaan waligeed horay ula ciyaarin koox ka socota dalka Belarus.

BATE Borisov ayaa kaliya hal kulan la ciyaartay koox ka socota England waxana uu ahaa sanadkii 2009/10 waxana ay la ciyaareen Everton waxana laba lugoodba guulo gaartay Everton.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: