Arsenal Oo Guul Xaraarad Leh Ka Gaartay FC Cologne ,3/1 Ayay Uga Talaabsadeen Xilli Sanchez Uu Dhaliyay Gool Cajiib Ah

FC Cologne ayaa Arsenal nasiinada ugu dirtay hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid biloowgii ciyaarta gaar ahaan daqiiqaddii 9-aad

Labada koox oo wada ciyaarayay kulan ka tirsan wareegga Group-yada ee Europa League ayaa waxa ay kuwada jiraan sidoo kale qeybta H .

Xilli labada koox biloowgii ku biloowdeen qaab deggan oo baasas leh hadana Arsenal waxaa ka muuqatay kalsooni waxa ayna dagaal ugu jireen in ay keenaan goolka bar bar dhaca waqti hore

Xilli Arsenal isku dayo kala duwan muujinayeen hadana kooxda martida ah ma yareysan dhankoodana waa laga fillan karay gool labaad balse ma dhaceyn

Laba koox oo ciyaarayay kubad deg degsiimo leh ayaa nasiinada ku aaday halkaas gool ee lagu lahaa kooxda Wenger

Soo laabashadii Arsenal waxa ay soo galeen iyada oo ay ka go`an tahay in ay keenaan gool durbana waa ay heleen daqiiqaddii 49-aad ayaa waxaa saxiixay Sead Kolasinac kaasi oo badal ku soo galay kulanka daqiiqaddii 47-aad xiligaas oo loo badalay Rob Holding.

Arsenal is badal weyn ayaa ka muuqday marka loo eego qeybtii hore waxa aynaa cadaadis saareen kooxda martida ah ee reer Jarmal waana laga filan karay gool labaad
Ciyaar adag ayay bareen kooxda FC Cologne kuwaasi oo u muuqday kuwo is dhiibay xilli Arsenal gool xaqiiq ah uu daqiiqaddii 64-aad ka qasaariyay Maitland-Niles .

Arsenal dadaalkooda waxa ay ku keeneen gool uu si shaqsiyan ah uga shaqeystay Sanchez kaasi oo qaab aad u qurux badan uga dhaliyay kooxda Cologne gool daqiiqaddii 67-aad , waxa ayna Arsnal ka dib goolkaas soo giliyeen Wilshere oo loo badalay chuba iwobi

Ka dib goolkaas ,kooxda reer Jarmal waxaa ku adkaaday in kubadda horay u sii jiidaan ayna la qeybsadaan Arsenal xilli guud ahaan ciyaarta laga filan karay goolal dheeraad ah.

Kooxda Wenger oo niyadda ay u dhisantay ka dib labadaas gool ayaa FC Cologne ku dadaalisay kubaddo deg degsiimo leh waxa ayna ku heleen gool 3-aad waxaana saxiixay Hector Bellerin daqiiqaddii 82-aad

Comments

comments

4 Responses to "Arsenal Oo Guul Xaraarad Leh Ka Gaartay FC Cologne ,3/1 Ayay Uga Talaabsadeen Xilli Sanchez Uu Dhaliyay Gool Cajiib Ah"

Leave a Reply