Xiddig Premier League Ka Ciyaara Oo Adeegiisa U Soo Bandhigay Kooxda Barcelona, Badalka Neymar Ayuu Doonayaa In Uu Noqdo

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leicester city ee Riyad Mahrez ayaa lagu soo waramayaa in uu adeegiisa u soo bandhigay kooxda Barcelona inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddigan reer Algeria ayaa kooxdiisa Leicester city u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan si uu ugu biiro koox champions league ka ciyaarta xilli ciyaareedka dambe.

Mahrez ayaa xagaagan oo dhan lala xiriirinayay kooxda Roma iyada oo kooxda dacawooyinka ka diiday dalabyo badan maadama ayna ahay lacagta ay ku iibinayso xiddigan.

Si Kasta ha ahaatee wargayska Sport ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Algeria uu adeegiisa u soo bandhigay si uu badal ugu noqdo Neymar oo PSG ku biiray.

Mahrez ayaa noqon kara badal munaasib ah oo badali kara Neymar hadii ay noqoto dhaqaale ahaan iyo xirfad ahaan iyo waliba xiddigan oo ay si dhib yar ku heli karto.

Comments

comments

Leave a Reply