Xavi Oo Neymar Ku Tilmaamay Luiz Figo Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

Kabtankii hore ee kooxda Barcelona Xavi ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay in uu Neymar ku biiro kooxda PSG xagaagan isaga oo sheegay in uuna marna sawiran in ay taasi dhici doonto.

Xavi oo la hadlaya wargayska L’EQUIPE ayaa yiri”Way yartahay in uu xiddig ka fikiro in uu ka tago kooxda Barcelona waana arin la yaab leh manay dhicin muddo 17 sano ah, wakhtigaas oo Figo ku biiray kooxda Real Madrid, Barcelona ma moodayn in ay jirto koox awood u leh in ay bixiso lacag dhan 222 milyan euro oo ah lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa”.

“Go,aankiisa muu siin wax macnayn ah waxa uu kooxda ka tagay kooxda isaga oo aan xitaa wax shir ah qaban ama wax kale”.

“laakiin Kooxda Barcelona ayaa mar kasta u sharaxnaan doonta hanshada koobabka waayo waxa aanu haysanaa Messi oo ah xiddiga ugu fiican adduunka iyo Suarez oo ah weeraryahan fiican Gerard Piqué,Andrés Iniesta iyo Sergio Busquets iyo xiddigo kale oo booskooda ugu fiican “.

Xavi ayaa sidoo kale kooxdiisa Barcelona kula taliyay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Ivory cost iyo kooxda Nice ee Jean Seri kaas oo lagu naanayso xavi-ga Africa

Comments

comments

Leave a Reply