Tababare Antonio Conte Oo Ka Hadlay Guuldaradii Ka Soo Gaartay Kooxda Burnley

Tababaraha kooxda chelsea Antonio Conte ayaa ka hadlay guuldaradii lama filaanka ahayd ee kooxdiisa chelsea ka soo gaartay kooxda Burnley.

Kooxda Difaacanaysa horyaalka Premier league ayaa guuldaro 3/2 ah ka soo gaartay kooxda Burnley inkasta oo lagu ciyaarayay garoonkeeda Stamford Bridge.

Daafaca reer England ee Gary Cahill ayaa kaarka cas qaatay daqiiqadii 14-aad taas oo keentay in ay kooxda Burnley 3 gool ku hogaamiso chelsea qaybtii hore ee ciyaarta.

Xiddiga reer Spain ee Alvaro morata iyo David Luiz ayaa Blues dib ugu soo celiyay laba gool ka hor inta uuna hadana casaan qaadan xiddiga khadka dhexe ee Cesc Fabregas.

“Casaankii Cahill ayaa ahaa fure muhiim ah waayo waxa aanu ku ciyaaray 10 xiddig kadib 9 xiddig mana ahan wax fudud”ayuu Conye u sheegay saxaafada.

“Kulamadii ugu dambeeyay waxa aanu kulanka u dhamaysanaa 10 ama 9 xiddig waa in aan isku dayno in aanu nidaamka cusub la qabsano iskuna dayno in aanu 10 ama 9 xiddig ku ciyaarno kulanka xiga ma doonayo in aan ka hadlo go,aanada Garsooraha”.

“Waxa aanu isku daynay ilaa dhamaadkii ciyaarta in aanu helno natiijo fiican kadib kaarkii casaa waanu niyad jabnay waxanu aqbalnay 2 gool way adagtahay in la badalo natiijada ugu dambaysa”.

“Laakiin qaybtii hore waxa aanu u niyad jabnay si aad ah laakiin waxa aanu ciyaarnay qaab ciyaareed cajiib ah qaybtii dambe ee ciyaara”.

Kooxda.com ayaa xusay in ay kooxda chelsea kulan adag ciyaari doonto todobaadka dambe iyaga oo u safri doonta kooxda Tottenham oo ku ciyaaraysa garoonka Wembley.

Comments

comments

Leave a Reply