Tababaraha Xulka Qaranka Argentine Oo Ku Dhawaaqay Xiddigaha Uu Ku Ciyaari Doono Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka Iyo Gonzalo Higuain Oo Laga Dhex Waayay

Tababaraha xulka qaranka Argentine ee Jorge Sampaoli ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha xulkiisa u matali doona is reeb-reebka koobka adduunka 2018.

Argentine ayaa la ciyaari doonta xulalka Uruguay and Venezuela xilli tababarihii hore ee kooxda Sevilla uu xulkiisa ku soo daray weeraryahanka Mauro Icardi isaga oo ka reebay xiddiga kooxda Juventus ee Gonzalo Higuain.

Lionel Messi ayaa sidoo kale ku jira halka weeraryahanda Paulo Dybala, Sergio Aguero,Romero iyo Rulli ay ku jiraan liiska uu tababaruhu magacowday.

Halkan hoose kaga bogo liiska tababare Jorge Sampaoli:

Goolhayahayaasha: Romero (Manchester United), Rulli (Real Sociedad), Guzman (Tigres)

Daafaca: Mascherano (Barcellona), Fazio (Roma), Otamendi (Manchester City), Mercado (Siviglia), Pareja (Siviglia)

Khadka dhexex: Banega (Siviglia), Biglia (Milan), Augusto Fernandez (Atletico Madrid), Paredes (Zenit San Pietroburgo), Pizarro (Siviglia), Di Maria (Paris Saint-Germain), Pastore (Paris Saint-Germain), Salvio (Benfica), Lanzini (West Ham), Acuna (Sporting Lisbona)

Weerarka: Messi (Barcellona), Dybala (Juventus), Icardi (Inter), J.Correa (Siviglia), Aguero (Manchester City).

Comments

comments

Leave a Reply