Sidee Noqoneysaa Xaaladda Barcelona Ee Elclasico Ka Dib Bixitaankii Neymar ,Goolhayaha Real Madrid Ee Keylor Navas Ayaa Ka Jawaabay.

Goolhayaha Real Madrid ee Keylor Navas ayaa hoosta ka xariiqay in Neymar uu ahaa xiddig cajiib ah oo laga baqo balse sidaas oo ay tahay in ka tagitaankiisa Barcelona uusan kooxodaas ka dhigeyn mid jillicsan .

Hadalka goolhayaas ayaa imaanaya ka dib kullan wareedka kulanka la filayo in beri garoonka Camp Nou kula ciyaaraan Barcelona kaasi oo ah lugta 1-aad ee tartanka Supercopa de España

” Inooma suura galeyso in aan iska dhaadhicinno in Barcelona ay koox jillicsan noqoneyso ka dib bixitaanka Neymar , waa run Neymar waxa uu aha xiddig cajiib ah balse Barcelona isla xamasaddii markii uu joogay ayay weli wataan”.

” Sidoo kale Barcelona isbadel kuma dhacayo iyadoo uu hogaaminayo haataan tababaraha cusub ee Ernesto Valverde waayo Barca xiddigo waa weyn ayay haystaan iyo weerar halis halis” ayuu sii raaciyay goolhayhaa Real Madrid

Mar uu ka hadalayay kulankaas ElClasico ayuu Nevas yiri “Barca iyo Real waa ay is garanayaan , kulankaas fursado yar ayaa la isaga badin karaa waxaana qasab nagu ah in aan kulankaas diiradda saarno iskana ilaalinno qalad waliba oo guul darro nagu keeni kara”.

Comments

comments

Leave a Reply