Saturday 25 November, 2017

Rasmi: Tababaraha Kooxda Barcelona Ernesto Valverde Oo Soo Saaray 18-kii Xiddig Ee Uu Gaga Hor Tagi Lahaa Real Madrid Kulanka Super Cup-ka Spain

Tababaraha Kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uu kaga hor tagi doono Real Madrid lugta 1-aad ee Super cup-ka Spain.

Barcelona ayaa dhigeeda Real Madrid ku marti galin doonta garoonkeeda Camp Nou Habeen dambe ka hor inta ayna Arbacada ugu booqan garoonkeeda Santiago Bernabéu.

Liiska uu Tababare Valverde soo saaray ayuu ka fogeeyay 8 xiddig oo ay ka mid yihiin xiddigaha Rafinha,Thomas Vermaelen iyo Andre Gomes kuwaas oo dhaawac ku seegi doona.

Halkan Hoose kaga bogo liiska 18-ka Xiddig Ah:

Goolahayayaasha: Marc-André ter Stegen,Jasper Cillessen

Daafacayada: Nelson Semedo,Alexis Vidal,Gerard Piqué,Javier Mascherano,Samuel Umtiti,Jordi Alba,Lucas Digne.

Khadka Dhexe: Ivan Rakitić,Denis Suárez,Sergio Busquets,Andrés Iniesta,Sergi Roberto.

Weerarka: Lionel Messi,Luis Suarez,Gerard Deulofeu,Paco Alcácer

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment