Rasmi: Isku Aadka Is Reeb-Reebka Champions League Oo La Sameeyay Iyo Reds Oo Shaqo Adag U Taalo

Waxa goordhawayd si Rasmi ah loo soo saaray isku aadka is reeb-reebka champions league xilli ciyaareedka dambe oo la ciyaari doona laba lugood.

Kooxda Liverpool ayaa ku aaday kooxda reer Germany ee Hoffenheim iyada oo ay shaqo adag u taalo si ay ugu soo baxdo wareega Group-yada.

Reds ayaa ka badbaaday fursad ay ku wajihi kartay weeraryahankeedii hore ee Mario Balotelli oo hogaaminaya kooxda Nice oo ku aaday kooxda Napoli.

Kooxda uu hogaamiyo tababare Brendan Rodgers ee Celtic ayaa u safri doonta kooxda reer Kazakhstan ee Astana halka xiddigihii hore ee Premier league ee Emmanuel Adebayor and Gael Clichy oo u ciyaara İstanbul Başakşehir ay la ciyaari doonaan kooxda Sevilla.

Kulanka lugta ugu horaysa ee is reeb-reebka ayaa la ciyaari doonaan 15/16 bisha August halka lugta labaad la ciyaari doono 22/23 August.

Halkan Hoose Kaga Bogo liiska isku aadka:

Qarabag vs Copenhagen

APOEL vs Slavia Praha

Olympiacos vs Rijeka

Celtic vs Astana

Hapoel Beer-Sheva vs Maribor

İstanbul Başakşehir vs Sevilla

Young Boys vs CSKA Moscow

Napoli vs Nice

Hoffenheim vs Liverpool

Sporting CP vs FC Steaua Bucharest

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: