Muxuu Tababare Klopp Ka Yiri Bar-barihii Ay Kooxdiisu La Gaashay Kooxda Watford

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay kooxda Watford kulankii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka horyaalka Premier league.

Kooxda Liverpool ayaa si niyad jab leh ku bilaabatay ciyaarta kadib markii gool laga dhaliyay 10-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ee ciyaarta.

Reds ayaa bar-baraha keentay laakiin waxa markiiba gool ka dhaliyay xiddiga Abdoulaye Doucoure kaas oo mar kale hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Xiddigaha Mohamed salah iyo Roberto Firmino ayaa laba gool oo xiriir ah u dhaliyay Reds ka hor inta aanay kooxda Watford goolka bar-baraha keenin daqiiqadii 90-aad.

Tababare Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri” Waxa aanu ahayn qaar bilaa nasiib ah dhamaadkii”

“Goolka bar-baraha waxa uu ahaa offside, wayna iska cadayd calan waduhu waa uu garab joogay”.

“Run ahaantii kuma faraxsanayn qaab ciyaareedka xiddigahayga laakiin qaybtii hore ayaa ahayd mid fiican waxanan helnay wixii aanu doonaynay”.

“Waxa aanu ilownay in aanu kulanka soo xirno,waxa aanu u difaacanay si ad ah maanan isku dayin in aanu gool kale raacino”

“ma badali karo goolka waxa aanu samaynay khaladaad daafac waxa aanu u baahanahay in aanu ka shaqayno daafaceena waxa aanu ku guulaysan lahayn 3/2 waayo waxa aanu ahayn kooxdii fiicnayd”ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: