Miyuu Neymar Safanaya Kulanka Axada Ay Kooxdiisa PSG La Ciyaari Doonto Kooxda Guingamp?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG iyo xulka qaranka Brazil ee Neymar ayaa haatan isku diyaarinaya kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka France kadib markii uu horyaalka France soo diray warqadihii u saamaxayay in uu u safto kulamada kooxdiisa cusub.

Wargayska Le Télégramme ayaa sheegaya in uu xiriirka kubada cagta France helay warqadii uu Neymar ugu biiray kooxda PSG taas oo la macno ah in uu xiddiga kulankiisii ugu horeeyay u safan doono kooxdiisa PSG.

Neymar ayaa kooxdiisa PSG u ciyaari doona kulanka maalinta Axada ay la ciyaari doonaan kooxda Guingamp kulan ka tirsan todobaadkii 2-aad ee horyaalka France.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay kooxda PSG Saxiixa Neymar ku dhawaaqday todobaadkii hore isaga oo kooxda ugu soo biiray lacag rikoor ah oo dhan 200 oo milyan oo euro.

 

Si kasta ha ahaatee Xiddigan ayaan wali kulankiisii ugu horeeyay u safan sababo la xiriira in ay xiriirka Spain horay u soo diri waayeen warqadihii uu Neymar ugu biiray kooxda PSG.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: