Man City Oo Guul Adag Ka Soo Gaartay Kooxda Brighton & Hove Albion,Laba Gool Ayay Uga Soo Badiyeen

Brighton & Hove Albion iyo Man City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli kooxda horyaalka ku cusub xilli ciyaareedkaan aysan hal halis gillin ku sameyn goosha hantiilayaasha

City iyaga ayaa ku gacan sareeyay kubadda balse sidaas oo tahay kaliya hal jeer ayay sigeen goosha kooxda martida u ahaayeen

Ciyaarta qeybihii dhexe iyo dambe waax ay aheyd mid ku kooban qadka dhexe iyo baasas gaaban mana jirrin waddo City ku tagaan goosha Brighton & Hove Albion .

Sidaas oo ay tahay City , waxaa laga diiday gool daqiqaddii 29-aad waxaana kaarka digniinta ku qaatay Gabriel Jesus ka dib markii kubadad uu ku maamushay gacanta iyadoo Offside uu sii dheeraa .

Guud ahaan marka la eego hanaanka ciyaarta waa laga fillan karay goolal qeybta labaad ee ciyaarta

Qeybta labaad ,ma jrrin is badel gaar ah waxa ayna ciyaarta aheyd mid u furan labada dhinac mana jrrin wax gaar ah oo laga diiwan giliyay

Daqiiqaddii 52-aad Aguero ayaa City ka qasaariyay fursad gool noqon laheyd halka kooxda martida loo aha iyana kadib dhacdadaas ay ku dhawaadeen mar in gool keenaan

Marka la eego xaaladda City waxa ay u baahnaayeen badel si ugu yaraan goosha Brighton & Hove Albion ay u tagaan

Daqiiqaddii 68-aad City waxa ay sameeyeen badal iyaga oo keenay Leroy Sane waxaana loo badallay Danilo

Badelkaas waxa uu keenay in City horray u soo dhaqaaqaan waxaana laga filanayay gool illaa uu keennay Aguero daqiiqaddii 71-aad waxaana ka shaqeeyay De Bruyne

Ka dib goolkaas, ciyaarta xaararad ayay yeelatay waxaana City ka go`naa gool labaad xili kooxda martida loo ahaa ay galeen daafaca waxaana lagu qasbay in ay iska dhaliyeen gool waxa ayna timid arintaas daqiiqaddii 75-aad

Dhamaadkii kooxda Brighton & Hove Albion waxaa ku adkaa in kubadda ay horay u soo jiidaan waxa ayna City soo giliyeen Raheem Sterling waxaana daqiiqaddii 81-aad loo badallay Gabriel Jesus

Si waliba ,Brighton & Hove Albion oo isku dayo sameyneysay ayaysan u suura gallin waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay City guusha ku raacday

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: