Kooxda Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbinaysa Xiddig Khadka Dhexe Ah, England Ayuu Joogaa

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab cusub oo ay ka gudbinayso xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka England iyo kooxda Leicester city ee Danny Drinkwater.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea diyaarinayso dalab cusub si ay kooxdeeda ugu soo darto xiddiga Danny Drinkwater.

Blues ayaa doonaysa xiddig khadka dhexe ah kadib markii uu xiddigeedii reer Serbia ee Nemanja Matic ku biiray kooxda man United.

Tiemoue Bakayoko ayaa segi doona bilowga xilli ciyaareedka cusub kadib dhaawac uu ka cabanayo xiddigan taas oo la macno ah in ay chelsea xiddigo badan ku haysan khadka dhexe.

Drinkwater ayaa lala xiriirinayay kooxda Chelsea xagaagii hore laakiin waxa ay door biday in ay hesho N’Golo Kante oo wakhtigaas muhiimadeeda ahaa.

Blues ayaa la sheegayaa in ay diyaarinaysa dalab lacageed oo dhan 25 Milyan oo euro iyada oo doonaysa in ay xiddigan hesho ka hor inta uuna suuqu xirmin

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: