Kooxda Barcelona Oo Ku Guulaysatay Saxiixa Xiddig Khadka Dhexe Ah, Waa Xiddig Ay In Badan Ku Raad Joogtay

Kooxda Barcelona ayaa gacanta ku dhigtay saxiixeedii labaad ee xagaagan kadib markii ay gacanta ku dhigeen saxiixa xiddiga reer Brazil ee paulinho kadib wadahadalo qaatay muddo todobaadyo ah.

Wargaska Daily Mail ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona si rasmi ah u heshay saxiixa xiddiga kadib markii ay ogolaatay in ay adeega xiddigan ka bixiso lacag dhan 40 Milyan oo euro.

Barcelona ayaa markii hore kooxda reer china ee Shanghai miiska u saartay lacag dhan 20 Milyan oo euro laakiin kooxda reer china ayaa diiday in ay fasaxdo xiddigan ilaa miiska la saaro lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Kooxda reer Spain ayaa doonaysay xagaagan oo dhan in ay la soo saxiixato xiddig khdka Dhexe ah laakiin waxa ay ku dhibaatoo in ay la wareegto xiddigaha khadka dhexe ee Marco Verratti,Philipe Coutinho ka hor inta ayna gacanta ku dhigin saxiixa Paulinho.

Xiddigan reer Brazil ayaa horay uga soo ciyaaray horyaalka Premier league isaga oo soo xirtay maaliyada kooxda Tottenham oo uu si weyn ugu fashilmay.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: