Juventus Oo Ku Sii Dhowaanaysa Saxiixa Xiddig Khadka Dhexe Uga Ciyaara PSG, Monaco Ayaa Ka Caawinaysa Laakiin Sidee?

Kooxda Juventus ayaa ku dhow saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka France iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Blaise Matuidi xilli ay kooxda Paris Saint-Germain ku dhowdahay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Monaco ee Fabinho.

Matuidi ayaa wakhti dheer bartilmaameed u ah kooxda Juventus xill Bianconeri suuqa ugu jirto xoojin dhanka khadka dhexe ah kadib markii ay ku fashilantay saxiixyada Emre Can iyo Steven N’Zonzi.

Halka Arin ee Juventus ka hor taagnaa saxiixa xiddigan ayaa ahayn in ay PSG suuqa ka raadinaysay badalkiisa laakiin midaas haatan waa la xaliyay.

Sida laga soo xiganayo Sky Sport Italia Kooxda PSG ayaa horumar deg-deg ah ka samaysay baacsiga Fabinho taas oo Juventus u sahli doonta in ay 25 milyan kula wareegto Matuidi.

Matuidi ayaa la sheegayaa in uu kooxda Juventus u saxiixi doono heshiis 4 sano ah kaas oo uu sanadkii ku qaadan doono mushahar dhan 4 miyan euro.

Comments

comments

Leave a Reply