Tuesday 21 November, 2017

Hordhac: Man United Vs West Ham: Jose Mourinho Oo Hubkiisa Cusub Ku Tijaabin Doona Hummers

Kooxda Man United ayaa garoonkeeda ku soo dhowayn doonta kooxda West Ham kulan ka mid ah kulamada ugu adag furitaanka horyaalka Premier league.

United oo ku haysan saxiixyo cusub ayaa doonaysa in ay si qurux badan ku bilaabato horyaalka Premier league iyada oo ka mid ah kooxaha loo saadalinayo ku guulasigiisa.

West Ham oo aan lafteedu ka yaraysan xiddigo cusubna la soo wareegtay ayaa doonaysa in ay United kaga in kaarsato Old Trafford dhexdiisa.

Kulanka: Man United Vs West Ham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 06:00 S/G.

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Saddex ka mid ah shantii kulan ee dhex martay kooxaha Man United iyo West Ham waxa ay ku dhamaatay bar-baro halka koox kasta hal kulan badisay.

West Ham ayaan man United ka badin 9-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Premier league iyada oo ay man United badisay 6 kulan halka ay laba kulan bar-baro galeen hal kulana west Ham badisay.

Kooxda Man United ayaa badisay kulamada furitaanka Horyaalka Premier league 16 jeer waxana ay la bar-baro tahay koooxda chelsea.

Kooxda West Ham ayaa 10 jeer laga badiyay kulamada furitaanka horyaalka Premier league ilaa haatan waana kooxda ugu badan ee laga badiyo.

shantii gool ee ay West Ham ka dhalisay kooxda Man United ee horyaalka Premier league ayaa ka yimid laad hor ah, hal gool oo koorne ah iyo 4 gool oo laad xor ah.

Share on Facebook

Comments

comments

One Response to "Hordhac: Man United Vs West Ham: Jose Mourinho Oo Hubkiisa Cusub Ku Tijaabin Doona Hummers"

  1. mohamed Ahmed says:

    wxn sugnaaba waa in ay mn utd na tusto in ay ka go’an thy in ay Ku guulysto Premier league waana in ay u ciyaaarta si ka duwan kooxaha kle sida Chelsea Liverpool oo aad moodo in ay so gaaabis ah Ku bilowdeen wxn rajaynyaa in k dhamaato 4:0 goalka furitnka uu dhaliyo Antonio valancia

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: