Dib U Eegid: Ma Aragtaa Man United!! Wayne Rooney Oo Dhigay Taariikh Cajiib Ah Oo Uu Kaliya Hal Xiddig Kaga Horeeyo

Weeraryahanka xulka qaranka England iyo kooxda Everton ee Wayne Rooney ayaa Kooxdiisa Everton ku hogaamiyay guul muhiim ah oo ay ka gaartay kooxda Stoke City kulankii ugu horeeyay ee horyaalka Premier league.

Wayne Rooney ayaa rikoor cajiib ah ka dhigay horyaalka Premier league isaga oo ku lug lahaa 300 oo gool oo laga dhaliyay horyaalka Premier league.

Rooney ayaa dhaliyay 199 gool hal uu sidoo kale caawiye ka noqday 101 gool tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka ah Saftay.

Xiddigan ayaa kaliya ka dambeeya  Alan Shearer ku lug lahaa 324 gool wakhtigii uu ku dhex jiray ciyaarista kubada cagta

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Wayne Rooney ku soo laabtay kooxda Everton oo uu ka maqnaa muddo 13 sano ah oo uu ku soo qaatay kooxda man United.

Comments

comments

Leave a Reply