Dib U Eegid: Kadib Goolkii Birghton Sergio Agüero Oo Taariikh Cajiib Ah Oo Aan Lagu Haysan Ka Dhigay Premier League Muxuu Sameeyay

Weeraryahanka kooxda Man City Sergio Agüero ayaa kooxdiisa u dhaliyay gool kulankii ay man City guusha ka gaartay kooxda Brighton kana tirsanayd furitaanka horyaalka Premier league.

Brighton ayaa ku biirtay kooxaha uu Sergio Agüero ka dhaliyay goolasha iyada oo ay kooxda Premier league ku cusub noqotay kooxdii 30-aad ee uu xiddigan ka dhaliyo 31 kooxoo oo premier league ah.

Kooxdan ayaa ahayd kooxda kaliya ee uuna Sergio Agüero soo taaban shabaqooda maadama ay sanadkan ku cusub yihiin horyaalka Premier league.

Man City ayaa guul raaxo leh oo soo raagtay ka gaartay kooxda Brighton iyaga oo uga badiyay 2/0 ay kala dhaliyeen Sergio Agüero iyo Gabreil Jesus.

Comments

comments

Leave a Reply