Dib U Eegid: Chelsea Oo Boorka Ka Jafatay Rikoor Xun Oo U Ay Dhigtay Sanadkii 2014, Mana Ahan Guuldarada

Kooxda chelsea ayaa guuldaro xanuun kulal kala kulantay kooxda Burnley kulankeedii ugu horeeyay ee horyaalka Premier kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Bleus la kulantay guuldaro 3/2 ah inkasta oo ay joogta garoonkeeda Stamford Bridge iyada oo guul daro ku bilaabatay horyaalka Premier league xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa kaarka cas laga siiyay laba xiddig oo muhiim ah kuwaas oo kala ah xiddiga daafaca uga ciyaara ee Gary Cahill iyo xiddiga khadka dhexe ee Cesc Fabregas.

Chelsea ayaa boorka ka jafatay rikoor xun oo ay dhigtay sanadkii 2014 bishii March wakhtigaas oo ay hal kulan gudohood qaadatay kaarka cas.

Sidoo kale 4 xiddig oo ka mid ah kooxda chelsea ayaa kaarka cas qaatay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay kuwaas oo kala ah Victor Moses oo qaatay finalkii FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore,Pedro oo qaatay kaarka cas kulankii Community Shield iyo cahil iyo Fabregas oo qaatay kulankii caawa.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: