DEG-DEG: PSG iyo Monaco Oo Ka Heshiiyay Qiimaha Xiddiga Reer Brazil Ee Fabinho, Imisa Ayuu Kooxda U Saxiixayaa

Kooxda PSG ayaa kooxda Man United ku garaacday saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Brazil iyo kooxda Monaco ee Fabinho iyada oo heshiis Rasmi ah la gaartay kooxda Monaco.

PSG ayaa ogolaatay in ay miiska saarto lacag dhan 60 Milyan oo euro oo ah lacagta ay kooxda Monaco doonaysay in ay ku iibiso xiddigan reer Brazil.

Wargayska L’EQUIPE ayaa sheegaya in uu Fabinho doonayay in uu ku biiro kooxda PSG kadib markii uu kooxda PSG dhawaan ku soo biiray xiddiga reer Brazil ee Neymar.

Xiddiga reer Brazil ayay wararku sheegayaan in uu kooxda PSG us saxiixi doono heshiis 5 sano ah iyo hal sano oo uu xiddigu dookh u haysto.

PSG ayaa saxiixa xiddigan ku garaacday kooxda Man United oo doonaysay saxiixa xiddigan si ay ugu xoojiyaan kooxdeeda xilli ciyaareedka cusub.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: