DEG-DEG: Man United Oo Koox Premier League Ah Ka Diiday Dalab Ay Ku Doonaysay Xiddig Muhiim Ah

Wararka ka imanaya dalka France ayaa sheegaya in ay kooxda Man United diiday dalab Rasmi ah oo ay koox premier league ah ku doonaysay xiddiga garabka weerarka uga ciyaara man United ee Anthony Martial.

Man United ayaa kooxda Tottenahma ka diiday dalab Rasmi ah oo ay Spurs ka soo gudbisay xiddiga reer France ee Anthony Martial si ay ugu xoojiso kooxdeeda xagaagan.

Anthony Martial ayaa kayd aan la isticmaalin kulankii super cupka ay Real Madrid man United uga qaaday 2/1 waxana lala xiriirinayay xiddigan kooxda Inter Milan.

21 jirkan ayaa kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay kooxdu u muuqataa in ay doonayso in ay ka faa,iidaysato qaab ciyaareedkiisa.

Sida laga soo xiganayo RMC Sport Spurs ayaa dalab Rasmi ah miiska u saartay kooxda Man United laakiin Red Devils ayaa isla markiiba diiday dalabkaas.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: