Chelsea Oo Durba Wajahaysa Maqnaansho Jumlad Ah Kulanka Tottenham Ayay Xiddigo Badan Waayaysaa

Kooxda chelsea ayaa guuldaro 3/2 ah kala kulantay kooxda Burnley inkasta oo ay ku ciyaaraysay garoonkeeda kulankii ugu horeeyay horyaalka Premier league labada kooxood.

Kulankan ayay sii laba jibaarmeen xiddigaha ka maqnaan doona kulanka xiga ee ay chelsea booqan doonto Wemblye si ay halaas ugula ciyaarto kooxda Tottenham.

Blues ayaa kulankaas waayi doonta xiddigaha Gary Cahill,Cesc Fàbregas,Eden Hazard,Tiémoué Bakayoko iyo Pedro kuwaas oo dhamaantood ku kala maqan arimo kala duwan.

Xiddigaha Gary Cahill,Cesc Fàbregas iyo Pedro ayaa kulanka Tottenham ku seegi doona ganaaxyo kadib markii ay xiddigaha Gary Cahill iyo Cesc Fàbregas kaararka casaanka qaateen kulankii Burnley halka Pedro ku maqnaan doono casaan uu qaatay kulankii Arsenal ee Community Shield.

Dhanka kale xiddigaha Eden Hazard iyo Tiémoué Bakayoko ayaa kulanka u seegi doona dhaawacyo kala duwan iyaga oo aan kooxdooda u ciyaari doonin ilaa dhamaadka bishan aynu ku jirno ee August.

Arintan ayaa niyad jab ku ah kooxda Chelsea oo durba guuldaro ku furatay horyaalka Premier league iyada oo adkaan doonta in ay guul si dhib yar uga gaarto kooxda Tottenham todobaadka dambe.

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: