Burnley Oo Ciqaabtay Kooxda Difaacanaysa Horyaalka Premier League, Garoonkeeda Stamford Bridge Ayay Ku Tumeen

Kooxda Burnley ayaa guuldaro badan kooxda difaacanaysa horyaalka Premier leageu ee Chelsea kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka Premier league.

Kooxda Chelsea ayaa kulanka dar-dar ku bilaabatay ciyaarta iyada oo weeraro is daba joog ah ku qaadaysa goolka kooxda Burnley iyada oo doonaysa in ay goolal wakhti hore ah ka dhaliyaan.

Laakiin Chelsea ayaa daqiiqadii 14-aad u soo baxay war xun kadib markii uu kaarka cas qaatay kabtanka ahna daafaca reer Brazil ee Gary Cahill.

 

Kooxda Burnley ayaa bilowday in ay ka faa,iidaysato xiddiga laga saaray kooxda chelsea waxana ay bilowday in ay weeraro waali ah ku qaaday goolka kooxda chelsea.

Daqiiqadii 24-aad ayay kooxda Burnley dhalisay goolka ugu horeeya iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sam Vokes kaas oo kooxdiisa hogaanka ugu dhiibay.

Burnley ayaa halkeedii ka sii waday weerarkii ay ku haysay kooxda Blues iyaga oo doonaya in ay goola kale ka sii dhaliyaan kooxda garoonkeeda ay joogaan.

Daqiiqadii 39-aad ayay markale Burnley heshay goolkeedii 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddigan Stephen Ward isaga oo u sii dheereeryay hogaanka kulan.

Burnley oo halkeedii ka sii wada weerarka kana naxsatay kooxda Chelsea ayaa dhalisay goolkeedii 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sam Vokes isaga oo u sii dheereeyay hogaanka.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaar aad u xiiso badan oo looga yaabsaday kooxda chelesea loona sheegay in aanay sanadkan si dhib yar dhibcaha ku qaadan doonin.

Qaybtii dambe ayay Blues dar-dar la soo gashay iyaga oo doonayay in ay sameeyaan wax aan macquul ahayn kana soo laabtaan guuldaradii 3-da gool looga dhaliyay qaybtii hore.

Chelsea ayaa daqiiqadii 69-aad heshay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahankeeda reer Spain ee Alvaro Morata oo hal gool u soo celiyay kooxdiisa.

Blues ayaa halkeedii kasii waday weerarka waxana ay isku dayaysay in ay goolal badan dhaliso dibna ugu soo laabato ciyaarta ka hor inta ayna heedho iyo fandhaal kala dhicin.

Laakiin Blues ayaa dhabar jab kal la kulantay daqiiqadii 81-aad kadb markii kaarka cas loo taagay xiddiga khadka dhexe ee Cesc Fabregas

Si kasta ha ahaatee Blues ayaan u jabin dhaawacaas waxana ay halkii kasii waday dadaalkii ay ku doonaysay in ay ugu soo laabato kulanka.

Daqiiqadii 88-aad ayay Blues heshay goolkeedii 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay daafaca reer Brazil ee David Luiz Kaas oo gool kale u soo celiyay kooxdiisa.

Laakiin Goolkaas David Luiz ayaa waxba u tari waayay kooxd chelsea waxana uu kulanku ku dhamaaday guul 2/3 ah oo ay gaartay kooxda Burnley.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: