Barcelona Oo Liverpool Ula Imanaysa Dalab Ayna Diidi Karin, Philipe Coutinho Ayay Kaga Doonayaan

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona diyaarinayso dalab cusub oo ay ula iman doonto kooxda Liverpool oo ay kaga doonayso xiddiga khadka dhexe ee Philipe Coutinho.

Xiddiga reer Brazil ayaa warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka Kooxda Liverpool kadib markii ay warbixin ka soo saareen in aanu xiddigan iib ahayn xagaagan.

Kooxda Barcelona ayaa la sheegayaa in ay Liverpool ula iman doonto dalab dhan 80 Milyan oo euro iyo laba xiddig si ay u helaan philipe Coutinho.

Xiddiga ay Barcelona u soo bandhigi doonto kooxda Liverpool ayaa kala ah Andre Gomez iyo xiddiga reer Brazil ee Rafinha kuwaas oo aan ku jirin qorshaha tababare Valverde.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay Kooxda Liverpool Wali ku adkaysanayso in aanu xiddigan iib ahayn xagaagan laakiin hadii uu dalabkaasi Barcelona dhab ka yahay waxa ay u badantahay in ay aqbasho.

Comments

comments

Leave a Reply