Liverpool Oo Ku Hor Kuftay Kooxda Watford Iyo Reds Oo Sugi Doonta Guusheedii Ugu Horaysay Ee Horyaalka

Kooxda Liverpool ayaa ku hor kuftay kooxda Watford kulan ka tirsnaa kulankii ugi horeeyay ee labada kooxood iyaga oo bar-baro 3/3 ah la dhaafi wayday

Kulankan ayay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aan aad loola dhicin inkasta oo ay labada kooxood mar-marka qaar ciyaarayeen kubada la isku ordayo.

Kooxda Liverpool ayaa kulanka ku bilaabatay is af garan waa u dhexeeya xiddigeheeda iyaga oo uu khal-khal weyn ka muuqday xiddigeheeda daafaca iyo khadka dhexe.

Watford ayaa midaas ka faa,iidaysatay waxana ay weeraro is daba joog ah ku qaaaday goolka kooxda Liverpool iyaga oo doonaya in ay gool kaga naxsadaan.

Daqiiqadii 8-aad ayay kooxda Watford heshay goolkeedii 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Stefano Okaka Chuka isaga sidaas hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa Watford.

Liverpool ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha waxana ay qaaday weerar badan oo ay ku doonayaan in ay goolka bar-baraha ku keenaan.

Daqiiqadii 29-aad ayay Reds heshay goolkeedii 1-aad ahaan midkii bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane isaga oo sidaas dib ugu soo celiyay kooxdiisa kulanka.

Watford ayaa mar kale heshay goolkeedii 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Abdoulaye Doucoure isaga oo mar kale hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Watford ku hayso hogaanka kulanka xilli Reds ayna awood u yeelan in ay bar-baraha keento.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Liverpool ku soo gashay dar-dar iyaga oo doonaya in ay keenaan goolka lagu leeyahay inta uuna wakhtigu dheeraan.

Daqiiqadii 55-aad ayay kooxda Liverpool heshay goolka bar-baraha iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Roberto Firmino isaga oo kulanka ka dhigay bar-baro 2/2 ah.

Liverpool ayaa halkeedii kasii waday weerarkii ay ku waday kooxda Watford iyaga oo doonayay in ay kulanka u rogaan dhankooda.

Daqiiqadii 57-aad ayay kooxda Liverpool mar kale heshay goolkeedii 3-aad iayag oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Mohamed salah oo kulanka ka dhigay 3/2 ay Kooxda Liverpool hogaanka ku hayso.

Kooxda Liverpool ayaa u muuqatay mid heshay 3-da dhibcood ee kulanka laakiin kooxda Watford ayaan si dhib yar isku dhiibin waxana ay qaadeen weeraro is daba joog ah.

Daqiiqadii 90-aad ayay Watford heshay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliya xiddigooda Miguel Britos isaga oo mar kale ku soo celiyay kooxdiisa ciyaarta.

Waxana sidaas ku dhamaatay kulan qaybtii dambe xiiso yeeshay oo ay labada kooxood isku mari waayeen kuan heshiiyeen dhibcaha kulanka.

Comments

comments

Leave a Reply