Saturday 25 November, 2017

Zlatan Ibrahimovic Oo Si La Yaab Leh U Macasalaameeyay Taageerayaasha Kooxda Man United

Weeraryahanka xulka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimovic Ayaa macasalaameeyay Taageerayaasha Kooxda Man United kadib markii uu si Rasmi ah uga tagay kooxda man United maanta oo uu si Rasmi ah u dhamaaday heshiiskii uu kula jiray Red Devils.

Zlatan Ibrahimovic ayaa kooxda Man United u dhaliyay 28 gool xilli uu kooxda ku hogaamiyay 3 koob xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

United ayaa ku dhowayd in in ay heshiis cusub ka saxiixato 34 jirkan laakiin dhaawac halis ah oo soo gaaray ayaa soo afjaray rajadii ay United ka lahayd in ay sii haysato xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigii hore Juventus iyo Barcelona ayaa haatan diirada saaraya sidii uu uga soo kabsan lahaa dhaawacii soo gaaray uguna soo laaban lahaa garoomada bilowga sanadka cusub ee 2018.

Kadib markii uu dhacay heshiiskiisu xiddigan ayaa taageerayaasha Kooxda Man United ku macasalaameeyay bogiisa Instagram-kana ku soo qoray” Waan imid waxa aan iri waan ku guulaysan doona Kubada England”

I came. I said. I conquered.

A post shared by IAmZlatan (@iamzlatanibrahimovic) on

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment