Xog: Wargayska Sports Oo Shaaca Ka Qaaday Lacagta Uu Pep Guardiola Ku Xoojiyay Daafaciisa Tan Iyo Markii Loo Magacaabay Tababaraha Citizen

Wargayska Sports ee ka soo baxa dalka Spain gaar ahaan magaalada Barcelona ayaa warbixin ka soo saaray lacagta waalida ah ee uu tababare Pep Guardiola galiyay daafaca iyo goolka kooxdiisa tan iyo markii loo magacaabay tababaraha kooxda Citizen.

Man City ayaa shalay si Rasmi ugu dhawaaqday saxiixa Kyle walker iyada oo kooxda Tottenham kala soo wareegtay lacag dhan 55 Milyan oo euro xilli uu walker noqday daafacii ugu qaalisanaa taariikhda kubada cagta.

Kooxda Man City ayaa la soo saxiixatay 5 daafaca iyo goolhaye labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyada oo ku kharash garaysay lacag dhan 240 Milyan oo euro.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

1500063082388

Saxiixyadii ugu waalnayd ee Man City ku xoojiyo daafaceeda ayaa ahayd saxiixii ay kula soo wareegeen Daafaca Nicolás Otamendi oo ay ka soo bixisay lacag dhan 40 Milyan oo euro sanadkii 2015.

Xiddigii xigay ee uu lacagta waalida ah ka soo bixiyay ayaa ahaa daafaca reer England ee john Stones kaas oo kooxda ugu soo biiray lacag dhan 49 Milyan oo euro.

City ayaa ilaa haatan xagaagan xageeda dambe ku xoojisay lacag dhan 145 Milyan oo euro iyada oo kula soo wareegtay xiddigaha Benjamin Mendy,Ederson iyo Walker.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: