Tuesday 21 November, 2017

Xog: Kooxda Monaco Oo Laba Kooxood Oo Premier League Dalabyo Ka Soo Diiday Ayay Ka Doonayeen

Waxa uuna daah saarnayn in kooxaha reer yurub ay weerar ku qaadeen koxda Monaco kuwaas oo mid mid u siibaya xiddigeheeda ugu fiican.

Kooxaha chelsea iyo Man City ayaa goor horeba xiddigo kala wareegay iyada oo ka qaatay xiddigaha Bernardo Silva oo ku biiray Man City iyo Tiemoue Bakayoko oo saacado kadib noqon doona xiddig chelsea ah.

Si kasta ha ahaatee waxa wali laga doonayaa xiddigaha  Kylian Mbappé, Thomas Lemar, Benjamin Mendy and Fabinho kuwaas oo ay doonayaan xiddigo waaweyn oo reer yurub ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Monaco doonayso in ay haysato xiddigaha kale ee kooxda ugu haray si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartanto hanshada koobabka.

Wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in kooxda hanatay horyaalka france ay kooxda Man City ka diiday daab dhan 45 Milyan oo euro oo ay ku doonayso xiddiga daafaca uga ciyaara ee Benjamin Mendy.

Dhanka kale Kooxda Monaco ayaa dhigeeda Arsenal si cad ugu diiday xiddiga garabka uga ciyaara ee thomas Lemar iyada oo u sheegtay in aanu xiddigu iib ahayn.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: