Tuesday 21 November, 2017

Xasaasi: Xiddigii Diirada U Saarnaa Liverpool,Chelsea Iyo Juventus Oo 24 Saac Kadib Ku Biiraya Koox Italy Ah

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in xiddiga weerarka uga ciyaara xulka qaranka Senegal iyo kooxda Lazio ee Keita Balde Diao uu ka tagay xerada tababarka kooxdiisa Lazio si uu si lama filaan ah ugu biiro kooxda Inter Milan.

Xiddigan reer Senegal ayaa seegay kulankii maanta ay kooxdiisa Lazio 9/1 uga badisay kooxda amateur kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Sida laga soo xiganayo Radio Sei kooxda Inter Milan ayaa dhigeeda Lazio kala heshiisay qiimaha xiddigan uu ugu dhaqaaqi doono kooxda ka dhisan Garoonka San Siro.

Wargaysyada Sky Sport Italia and Calciomercato ayaa sidoo kale sheegaya in uu xiddigan maalinta bari ah soo gaari doono Inter si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Inter Milan.

22 jirkan oo kaliya hal xilli ciyaareed uga haray heshiiska uu kula jiro kooxda Lazio ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Xiddigan oo lala xiriirinayay kooxaha Juventus,Ac Milan,Chelsea,Liverpool,Monaco ayaa la sheegayaa in uu 24 saac ee soo socda dhamaystiri doono ku biiritaankiisa kooxda Inter Milan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: