Xasaasi: Isco Oo Kooxda Real Madrid Is Cad Ugu Sheegay In Uu Ku Biirayo Barcelona, Hadii Halkan Arin Dhacdo Xagaagan

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco ayaa kooxdiisa ugu hanjabay in uu ku biiri doono kooxda Ay sida weyn u xafiiltamaan ee Barcelona hadii ay kooxdu la soo saxiixato xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea iyo xulka qaranka Belguim ee Eden Hazard.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda Chelsea kula heshiisay in ay heli doonaan saxiixa Eden Hazard hadii uu Alvaro Morata ku biiro kooxda chelsea xagaagan.

Wargayska Diario Gol ayaa sheegaya in uu Isco ka niyad jabay kursiga kaydka ee uu u fadhiyay xilli ciyaareedkii hore xiddigaha Gareth Bale,James Rodriquez,Luka Modric kuwaas oo wakhtiga qaar si joogto ah ugu ciyaari jiray kooxda.

ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in uu Isco nafisay kadib markii uu James ka tagay kooxda mana doonayo in ay kooxda Real Madrid u dhaqaaqdo saxiixa saxiixa Eden Hazard hadii ay dhacdana waxa uu u sheegay maamulka Real Madrid in uu kooxda Barcelona si xor ah ugu biiri doono xagaaga dambe.

Kooxda.com ayaa xusaysa in In xiddigan reer Spain si weyn loola xiriirinayay wakhtiyada qaar kadib markii uu xiddigan si joogto ah kursiga kaydka ugu fadhiyay kooxda Real Madrid.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: