Xasaasi: Bartilmaameedka Kooxah Man United Iyo Chelsea Oo Talaabo U Jira In Uu Ku Biiro Koox Italy Ah

Weeraryahanka xulka qaranka Spian iyo kooxda Real Madrid ayaa ku sii dhowanaya in uu ka boxo Albaabka kooxda Real Madrid isaga oo ku dhow ku biirista kooxda Ac Milan.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in Alvaro Morata talaabo u jira in uu noqdo xiddig Ac Milan ah isaga oo waliba ugu biiri doona heshiis ka yaabin doona adduunka kubada cagta.

Heshiiska uu xiddigan ugu biiri doono kooxda Ac Milan ayaa ku noqon doona mid niyad jab ah taageerayaasha kuba cagta Italy kuwaas oo horay makhraati ugu ahaa in uu Leonardo Bonucci si lama filaan ah ugu biiray kooxda Ac Milan.

Xiddigan ayaa hadii uu ku biiro noqon doona xiddigii labaad ee ku biira kooxda Ac Milan isaga oo horay u soo xirtay maaliyada kooxda Juventus.

Rela Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay saxiixa Morata u diiday kooxda Man United iyada oo u sheegtay in ayna ku fasixi doonin wax ka yar 90 Milyan oo euro.

Wararka ayaa sheegaya in Ay Ac Milan ku soo xero galin doonto saxiixa xiddigan 70 Milyan oo euro iyo waliba 10 milyan oo guno ah.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: