Saturday 25 November, 2017

WARBIXIN: Xilli Kyle Walker Qarka U Saaranyahay In Uu Ku Biiro Kooxda Man City Waa Kuwee Xiddigaha Ugu Qaalisan Xiddigaha Engaldn Ee Suuqa Kala iibsiga

Lacagaha xiddigaha lagu kala wareego suuqa kala iibsiga ayaa noqotay mid xadka ka baxday gaar ahaan lacagaha lagu iibsado xiddigaha u dhashay dalka England.

Xiddiga daafaca uga ciyaara xulka qaranka England iyo kooxda Tottenham ayaa qarka u saaran in uu noqdo xiddigii ugu dambeeyay ee noqday xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga xiddigaha England.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo bandhigi doonaa shax laga sameeyay 6-da xiddig ee England ah ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga

Dhanka Goolka waxa ugu qaalisan Goolhayaha ay kooxda Everton la soo wareegtay xagaagan ee Jordan Pickford oo ay kala soo wareegtay kooxda Sunderland iyada oo ka soo bixisay lacag dhan 30 Milyan oo euro.

Dhanka daafca waxa ugu qaalisan xiddigan Kyle Walker oo haatan qarka u saran in uu donqo xiddig  Man City ah, Halka uu khadka dhexe ugu qaalisanyahay xiddiga kooxda man City ee Raheem sterling oo City ugu biiray lacag dhan 49 milyan.

Weerarka ayuu ugu qaalisanyahay xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Andy Carroll oo ay kooxda Liverpool kala soo wareegtay kooxda Newcastle iyada oo kula soo wareegtay lacag dhan 35 Milyan oo euro.

Jordan Pickford (Everton) 30 Milyan.

Kyle Walker (Man City) 54 Milyan.

John Stones (Man City)  £47.5m

Rio Ferdinand (Man United) 30 Milyan

Michael Keane (Everton) 30 Milyan

Luke Shaw (Man United) 30 Milyan

James Milner (Man City) 26 Milyan

Adam Lallana (Liverpool) 25 Milyan

Raheem Sterling (Man City) 49 Milyan

Wayne Rooney (Man United) 30 Milyan

Andy Carroll (Liverpool) 35 Milyan

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment