WARBIXIN: United Oo 100 Milyan U Diyaarisay Mourinho Iyo Tababaraha Oo Saddex Xiddig Calaamadsaday

Kooxda Man United ayaa Jose Mourinho miiska u saartay lacag dhan 100 Milyan si uu ugu soo xero galiyo ugu yaraan saddex xiddig oo kale sida ay wararku sheegayaan.

Tababaraha Man United ayaa la soo saxiixday xiddigaha Victor Lindelof oo uu kala soo saxiixday kooxda Benfica iyo Romelu Lukaku oo u kala soo wareegay kooxda Everton.

Jose Mourinho given £100m to spend on three more signings for Man Utd

Laakiin wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu Mourinho doonayo ugu yaraan saddex saxiix oo kale ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Mourinho ayaa doonaya xiddiga khadka dhexe ee kooxda Inter Milan ee Ivan Perisic laakiin wali man United miiska may saarin lacagta ay doonayso kooxdu oo dhan 55 Milyan oo euro.

Jose Mourinho given £100m to spend on three more signings for Man Utd

United oo sidoo kale xiddig khada dhexe suuqa ugu jirta ayaa ku rajo weyn in ay gacanta ku soo dhigto xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea Nemanja Matic oo ay Mourinho ka soo wada shaqeeyeen kooxda Chelsea.

Eric Dier ayaa sidoo kale diirada u saaran tababare Jose inkasta oo ay kooxda tottenham ilaa haatan diidantahay in ay wadahadalo la furto kooxda man United.

Mourinho ayaa la sheegayaa in uu sidoo kale qarka u saaran yahay in uu kooxda ka fasaxo xiddiga daafaca uga ciyaara ee Chris Smalling oo si weyn looga doonayo premier league dhexdiisa.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: