WARBIXIN: Qiimaynta Suuqa Kala iibsiga Kooxaha Ugu Waaweyn Horyaalka Premier League Kooxdee ilaa Haatan Shaqo Fiican Qabatay?

Kooxaha Premier league ayaa durba suuqa u galay sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee bisha dambe.

Man United ayaa la wareegtay Lukaku oo noqday weeraryahankii ugu qaalisanaa taariikhda horyaalka Premier league league, Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa iyaguna xiddigo cusub u jabiyay rikoorkooda suuqa kala iibsiga.

Tababare Guardiola oo aan laftiisu suuqa wacadaro yar ka dhigin ayaa la soo saxiixday laba xiddig oo lacag badan ugu fadhiya.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Kooxda chelsea ayaa la soo wareegtay xiddig daafaca ah iyada oo kala soo wareegtay kooxda Roma inkasta oo ay blues ilaa haatan ku dhibaatoonayso suuqa kala iibsiga.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo bandhigi doonaa qiimayn lagu sameeyay saxiixyada ay sameeyeen kooxaha ugu waaweyn horyaalka Premier league.

Arsenal:

Alexandre Lacazette's capture by Arsenal has helped fuel an early-summer spending splurge

Tababare Arsene Wenger ayaa rikoorkiisa suuqa kala iibsiga u jabiyay saxiixa weeraryahankii ay wakhtiga dheer daba socdeen ee Alexandre Lacazette.

Arsenal ayay wali ka socotaa shaqo dhanka suuqa ah iyada oo lala xiriirinayo xiddiga kooxda monaco ee Thomas Lemar oo ah bartilmaameedka koobaad ee Gunners.

Daafaca bidix ee Sead Kolasinac ayaa isugu heshiiska xorta ah ugu soo biiray isaga oo noqday xiddigii ugu horeeyay ee ay Gunners gacanta ku soo dhigto xagaagan.

Qiimaynta Suuqa Arsenal ee ilaa Haatan: C

CHELSEA:

Chelsea completed the signing of Antonio Rudiger from Roma but missed out on a top target

Wakhtigii uu milkiilaha chelsea ee Roman Abramovich uu ahaan jiray hogaamiyaha suuqa kala iibsiga waa dhamaaday.

Roman Abramovich ayaa lagu garaacay saxiixa weeraryahanka kooxda Everton ahna weeraryahankoodii hore ee Romelu Lukaku iyada oo man United kula wareegtay lacag dhan 75 Milyan oo euro.

Xiddiga kaliya ee ay ilaa haatan la soo saxiixatay ayaa ah daafaca reer Germany ee Antonio Rudiger kaas oo kaga soo biiray kooxda Roma.

Qiimaynta Suuqa Chelsea ee ilaa Haatan: D

EVERTON:

Everton have been the stand-out performers in the transfer market signing Wayne Rooney

Taageerayaasha Kooxda Everton ayaa ilaa haatan rumaysan la, in ay yihiin kooxda ugu dhaq-dhaqaaqa badan suuqa kala iibsiga lacagta ugu badana suuqa kala iibsiga galiyay.

iibkii ay iibiyeen Romelu Lukaku ayay kooxda ugu soo dareen xiddigaha Jordan Pickford, Michael Keane,Davy Klaasen,Sandro iyo Rooney oo si xor ah ugu soo biiray.

Qiimaynta Suuqa Everton ee ilaa Haatan: A+

LIVERPOOL:

Liverpool completed a deal for Egypt winger Mohamed Salah but missed out on Virgil van Dijk

Kooxda Liverpool ayaa xagaagan rikoorkeeda suuqa kala iibsiga u jabisay xiddiga mohamed salah oo ay kala soo wareegeen kooxda As Roma.

Laakiin suuqa kala iibsiga Reds ayaa ah mid niyad jabiyay tababare Klopp maadama ay ilaa haatan soo damaystiri laayihiin xiddigihii diirada u saarnaa ee Virgil van Dijk iyo Naby Keita.

Liverpool ayaa sidoo kale saxiix aan macno ku fadhiyin heshiiska xorta ah kula soo wareegtay weeraryahankii da,yarka ahaa ee Dominic Solanke.

Qiimaynta Suuqa Liverpool ee ilaa Haatan: C

MANCHESTER CITY:

Manchester City brought in Benfica goalkeeper Ederson are more new recruits are expected

Kooxda Tababare Guardiola oo ah kooxdii ugu horaysay ee suuqa ugu hor gashay kooxaha reer yurub ayaa isla markiiba gacanta ku soo dhigtay saxiixyada Bernardo Silva iyo Ederson.

Laakiin ilaa wakhtigaa city ayaa ku dhibaatoonaysa in ay dhamaystirto saxiixyada uu dalbaday tababaraha reer Spain.

Qiimaynta Suuqa Man City ee ilaa Haatan: C

MANCHESTER UNITED:

Manchester United completed the signing of Romelu Lukaku this week from Everton for £75m

Agaasimaha United ee Ed Woodward ayaa isku hambalyayn doona kadib markii uu meesha ka saaray dhibaatadii Wayne Rooney sidoo kale gacanta ku soo dhigay Romelu Lukaku oo uu ka soo bixayay 75 Milyan.

Laakiin Jose Mourinho ayaa wali shaqo badan ka sugaya maadama uu doonayo in uu u soo xero galiyo xiddigaha Eric Dier iyo Nemanja.

United ayaa sidoo kale 30 Milyan ku soo xero galisay daafaca aadka loo qiimeeyo ee Victor Lindelof kaas oo ay kala soo wareegtay Benfica.

Qiimaynta Suuqa Man United ee ilaa Haatan: B

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: