WARBIXIN: Man United,Man City,Juventu,Chelsea Oo Uu Saamayn Weyn Ku Yeelan Doonto Ku Biiristii James Rodriguez Ee Bayern Munich Laakiin Sidee?

Bayern Munich ayaa si lama filaan ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Colombai iyo kooxda Real Madrid ee James Rodriguez.

Xiddigan reer colombia ayaa kooxda Bayern Munich ku qaadan doona labada sano ee soo socota ka hor inta uuna si toos ah ugu wareegin sanadka 2019.

ku biiritaanka James ee Bayern Munich ayaa saamayn ku yeelan doona kooxo badan oo reer yurub ah waliba kooxo ka mid ah horyaalka Premier league.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Bayern munich ayaa lala xiriirinayay xiddiga Alexis sanchez halka ay kooxda Real Madrid u dhaqaaqi doonto sidii ay u buuxin lahayd booska james.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo bandhig doonaa kooxaha uu ku biiritaanka james samayn doono iyo waliba sida uu u samayn doono.

Man City ayaa xor u noqon doonta si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Alexis Sanchez:

Bayern Munich ayaa gabi ahaanba isaga hari doonta tartanka Alexis maadama uu james haatan ku soo biiray kooxda Reer Germany waxana ay taasi faa,iido u tahay kooxda Man City oo kali ku noqon doonta baacsiga sanchez.

Man United Oo dib u soo cusboonaysiin doonta Xiisihii Thomas Muller:

United ayaa sanado badan xiiso waali ah u qabtay saxiixa xiddiga reer Germany ee Thomas Muller waxana ay haatan u muuqataa in ay heli karto xiddigii ay u waalan jirtay maadama James u fududayn karo in uu isaga tago kooxda Bayern maadama ay isku boos ka ciyaaraan labadan xiddig.

Chelsea Ayaa dib U Bilaabi doonta Baacsiga Alvaro Morata:

kooxda hanatay horyaalka Premier league ayaa wakhti dheer oo xagaagan ka mid ah lala xiriirinayay xiddiga reer Colombai ee james Rodriquez xilli Antonio Conte weerarkiisa doonayay in uu xoojiyo.

Kadib markii uu seegay xiddigaha Romelu Lukaku iyo Jamse Tababare Conte ayaa awoodiisa isugu gayn doona sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa Alvaro Morata xagaagan.

Douglas Costa Ayaa Dhamaystiri Doono Ku Biirista Kooxda Juventus:

Imaanshaha Rodriguez ayaa albaabka ka saari doona xiddiga reer Brazil ee Douglas Costa kaas oo haatan talaabo u jira dhamaystirka kooxda Juventus, Bayern Munich ayaa diidanayd in ay Douglas Costa fasaxdo ilaa ay badalkiisa hesho haatana waxa ay u muuqataa in uu si rasmi ah uga tagi doono kooxda Bayern.

Gnabry iyo Sanches Ayaa Loo Diri Doonaa Amaahao Xagaagan:

Saxiixa Rodriguez ayaa sii yarayn doona fursadaha ciyaarista xiddigaha Serge Gnabry iyo Renato Sanches iyada oo ay u badantahay in ay amaah u diri doonaan xagaagan si ay u helaan kooxo ay jooogto ugu ciyaari karaan xilli ciyaareedka dambe.

Real Madrid Oo U Dhaqaaqi Doonta Kylian Mbappe:

kadib markii ay Rodriquez fasaxeen Real Madrid ayaa haatan u dhaqaaqi doonta Kylian Mbappe kaas oo ay ku buuxin doonto booska james xiddiga reer Monaco ayaa si joogto ah loola xiriiriyaa kooxda Real Madrid waxana dhici karta in uu haatan u dhaqaaqo kooxda Los Blancos.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: