Tuesday 21 November, 2017

WARBIXIN: Ac Milan Oo Suuqeeda Xagaaga Ku Soo Xiri Doonta Weeraryahan Weyn Iyo Xiddigaha Diirada U Saaran

ميلان يُنهي الميركاتو بصفقة "مهاجم عالمي"

Magaca kooxda Ac Milan ayaa si weyn uga dhex muuqda suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo la soo wareegtay xiddigo badan oo da,yar ah iyo waliba xiddigo khibrad fiica leh ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in ay kooxda Ac Milan suuqeeda kala iibsiga ku soo xiri doonto saxiix weyn iyada oo kooxdu ilaa haatan suuqa galisay lacag dhan 211 Milyan oo euro iyada oo kooxda haatan u xartay kaliya in ay gacanta ku soo dhigto weeraryahan weyn.

Wargayska ayaa intaa ku daray in ay kooxda Ac Milan kala dooran doonto xiddigaha Morata oo u ciyaara kooxda Real Madrid,Belotti oo u ciyaara kooxda Torino,Aubameyang oo u ciyaara kooxda Borussia Dortmund iyo Nikola Kalinić oo u ciyaara kooxda Fiorentina.

Ac Milan ayaa ku qasbanaan doonta in ay lacag waali ah bixiso si ay u hesho weeraryaha heer caalami ah taas oo laga yaabo in ay Ac Milan lacagteeda suuqa kor ugu qaado lacag dhan 300 oo Milyan euro iyada oo noqon doonta lacagtii ugu badnayd ee suuqa la galiyo horyaalka Italy.

Dhanka kale wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegay in weeraryahanka kooxda Torino ee Andrea Belotti uu yahay xiddiga ugu cad cad ee noqon doona weeraryahanka Ac Milan iyada oo ay u badantahay in ku hesho lacag dhan 50 Milyan iyo waliba xiddigaha Gabriel Paletta iyo M’Baye Niang.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: