Warar Cusub Oo Ka Soo Baxay Baacsiga Arsenal Ee Thomas Lemar, Waa War Arsenal U Fiican Maxa Soo Kordhay?

Kooxda Arsenal ayaa war farxad leh ka heshay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Monaco iyo xulka qaranka France ee Thomas Lemar.

Xiddigan reer Monaco ayaa si joogto ah loola xiriirinayay kooxda Arsenal todobaadyadii ugu dambeeyay xilli ay Monaco soo diiday dalabyo ay Gunners ku doonaysay xiddigan.

Waxa jiray warar sheegaya in kooxda Arsenal xiddigan ka gudbin doonto dalab cusub oo aad u sareeya si ay gacanta ugu soo dhigto xiddigan

Saxafiga wax ka qora shabakada Tribal Football ee Emanuele Giulianelli ayaa haatan sheegaya in Guuners kooxda Monaco kala heshiisay qiimaha xiddigan 21 jirka ah.

Saxiixa xiddigan ayaa la sheegayaa in uu kooxda Arsenal ugu kici doono lacag dhan 48 Milyan oo euro iyo waliba lacago guno ah oo ku xirans safashada xiddigan.

Saxiixa Lemar ayaa la filayaa in ay kooxda Arsenal ku dhawaaqdo marka ay ka soo laabato Arsenal safarka ay ku joogto Australia iyo China ee ay isugu diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: