Wakiil Caan Ah Oo Ka Hadlay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Naby Keita Liverpool Mise Inter?

Wakiilka ugu caansan kubada cagta talyaaniga ee Giovanni Branchini ayaa ka hadlay mustaqbalka xidiga kooxda RB Leipzig ee Naby Keita iyo waliba kooxda uu ku biiri doono.

Branchini oo hore wakiil ugu ahaa ciyaartoy magacyo waawayn kaga tagay kubada cagta oo ay kamid yihiin Ronaldo Nazario,Demetrico Albertini Iyo Rui Costa ayaa sheegay in Naby Keita uu dooran doono kooxda Liverpool halkii uu ku biiri lahaa Inter Milan.

Isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi”Xaqiiqdii waan jecelahay isaga waxa uu la mid yahay Kante,RB Leipzig ma fasaxi doonto lakiin hadii uu tago waxa uu dooran doona Liverpool maya Inter”

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Naby Keita ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee macalin Klopp kadib soo xero galintii Mohamed Salah iyo Solanke laakiin waxa uu ka cago jiidayaa 70 ka milyan ee ay dalbanayso kooxdiisa Leipzig.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: