Wakhtiga Ay PSG Saxaafada U Soo Bandhigi Doonta Saxiixeeda Cusub Ee Dani Alves Oo La Ogaaday

Kooxda PSG ayaa ku sii dhowaanaysa saxiixa xiddiga xulka qaranka Brazil ee Dani Alves kadib markii uu xiddiga ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda reer Franc.

PSG ayaa saxiixa xiddigan ku garaacday kooxda Man City oo u muuqatay mid heshay saxiixa xiddigan reer Brazil kadib markii ay Juventus kansashay heshiiskii uu kula jiray.

Kooxda reer France ayaa la filayaa in ay maalinta bari ah si Rasmi ah saxaafada ugu soo bandhigi doonto saxiixa Dani Alves kadib markii ay heshiis laba sano ah ka saxiixatay xiddigan.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Xiddigan reer Brazil ayaa Kooxda PSG u ciyaari doona labada xilli ciyaareed ee soo socda isaga oo horyaalka France ku dari doona liiska horyaalada uu horay uga soo ciyaaray.

Xiddigii hore ee Barcelona ayaa isha ku haya in uu kooxda PSG ku hogaamiyo ku guulaysiga tartanka champions league xilli ciyaareedka dambe.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c laahi c risaaq says:

    saxiix faaa ido u leh naadiga weeye




.








%d bloggers like this: