Wakhtiga Ay Man United Doonayso In Ay Soo Afjarto Saxiixa Ivan Perisic Oo La Ogaaday

Mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee Ivan Perisic ayaa hawada ku jiray maalmihii ugu dambeeyay xilli United ku raad joogtay saxiixa xiddigan reer Croatia.

Wargayska FcInterNews ayaa haatan sheegaya in wakiilka xiddigan iyo kooxda man United ay talaabo fiican u qaadeen dhamaystirka saxiixa xiddigan.

Kooxda Man United ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay saxiixa xiddigan soo afjarto 48 saac ee soo socda si uu xiddigan kooxda man United ugula biiro safarkooda America.

Xiddigan reer Croatia ayaa kooxdiisa Inter iyo xulka qarankiisa u saftay 55 kulan xilli ciyaareedkii hore waxana uu u dhaliyay 16 gool iyo 10 caawin tartamada oo dhan.

Tababare Jose Mourinho ayaa xiddigan u arka xiddig wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe maadama ay ka qayb galayaan tartanka champions league.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: