Waalida Suuqa: Real Madrid Oo Miiska Loo Saaray Dalab Dhan 130 Milyan, Marco Asensio Ayaa Laga Doonayaa Laakiin Kooxdee Doonaysa

Xiddig yaraha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay ee Marco Asensio ayaa lagu soo waramayaa in laga soo gudbiyay dalab waali ah oo dhan 130 Milyan sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa la sheegayaa in ay dalab fiican miiska u saartay kooxda Real Madrid iyada oo ka doonaysa xiddiga aadka loola dhacsanyahay qaab ciyaareedkiis ee Marco Asensio.

21 jirkan oo noqday xiddig Real Madrid ah sanadkii 2014 laakiin xiddigan ayaa amaah ugu biiray kooxaha Mallorca iyo Espanyol ka hor inta uuna xilli ciyaareedkii hore ku soo laaban kooxda Losb Balancos.

Asensio ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 10 gool oo tartamada oo dhan ah oo ay ku jiraan 3 gool oo uu ka dhaliyay champions league.

Xiddigan ayaa ku bilowda xulka qaranka Spain ee U21 isaga oo wacdaro ka dhigay tartanka xulka qarankiisana ku hogaamiyay finalka tartankaas.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in kooxda PSG ay xiiso waali ah u qabto xiddigan tayada fiican leh xilli kooxda reer France ka soo gudbisay dalab dhan 130 Milyan si ay Real Madrid ugu qanciso in ay xiddigan u fasaxdo xagaagan.

Asensio ayaa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore ku bilowday 11 kulan 38 kulan oo ka mid ah kulamadii ay kooxdu ciyaartay.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: