Virgil van Dijk,Ivan Perisic Iyo Wararkii Subaxnimo Ee Ay Qoraan Wargaysyada Caalamku

Wanaagsan oo wacan Akhrisayaasheena sharafta iyo Qiimaha leh ee aan jecelnahayow ku soo dhowaada mar kale iyo barnaamijkeenii maalin laha ahaa ee aynu ku soo bandhigi jirnay wararka ugu xiisaha iyo xamaasada badan ee ay wargaysada caalamku ka qoraan suuqa kala iibisga.

Suuqa ayaa si Toos ah u furmay waxana ay kooxaha kala duwan ee reer yurub ka shaqaynayaan sidii ay kooxdooda xiddigo cusub oo wax cusub ku soo kordhiya ugu soo dari lahaayeen inta uu xagaagan socdo.

Kooxda Man United ayaa u muuqata mid ku dhow saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia iyo kooxda Inter Milan ee Ivan Perisic (Daily Mirror).

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Goolhayaha kooxda Arsenal ee Wojciech Szczesny ayaa qarka u saaran in uu 8 milyan ugu biiro kooxda hanatay horyaalka Italy ee Juventus (Daily Mirror).

Kabtanka kooxda Man Unitd Michael Carrick ayaa sheegay in weeraryahanka cusub ee kooxda Man United Romelu Lukaku uu cadaadis culus ka wajihi doona kooxda Man United (The Dialy Telegraph).

Tababare Klopp ayaa sheegay in aanu si dhib yar uga hari doonin xiddigaha diirada u saaran si uu kooxdiisa ugu xoojiyo xilli ciyaareedka dambe (The Dialy Telegraph).

Tababare Arsene Wenger ayaa isku diyaarinaya in uu xagaagan u dhaqaaqo saxiixa xiddigaha Virgil van Dijk iyo Moussa Dembele (Daily Express).

Daafaca reer Holland ee Virgil van Dijk ayaa ku sii dhowaanaya kooxda Liverpool kadib markii uu kooxdiisa Southampton u gudbiyay warqad bixitaan ah oo uu ku doonayo in uu ugu biiro kooxda Liverpool (The Sun).

Goolhayaha kooxda Man United ee Joe Hart ayaa la filayaa in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda West Ham 48-ka Saac ee soo socda (Dialy Mirror).

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: