TAXANAHA FAAQIDAADA SUUQA: Muxuu Romelu Lukaku Kusoo Kordhin Doonaa Manchester United? Waa Kuma Weeraryahanka Ay Isku Dagaalayaan Kooxaha Liverpool Iyo Tottenham? Sadex Saxiix Oo Chelsea U Furan Si Ay Uga Maaranto Lukaku Iyo Qodobo Kale Oo Aad U Xiiso Badan

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu dhamaan akhristayaasheena sharafta lahoow Maalin Wanaagsan meel kasta oo aad dunida daafaheeda ka joogtaan. Kusoo dhawaada barnaamijkeenii usbuuclaha ahaa ee TAXANA FAAQIDAADA SUUQA oo uu usbuuc walba maalin kasta oo isniin ah aan idinla socodsiiyo aniga oo Mustafe Atam ah.

Suuqa kala iibsiga xagaagan ayaa haatan furan waxaana iskasoo daba dhacaya wararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aad maalin kastaba kala socotaan majallada Kooxda.com oo si hagar la’aana idiinku soo tabisa dhamaan wararka caalamka kubada cagta iyo Ciyaaraha.

Hadaba barnaamijkeenan usbuuclaha ah ayaynu aalaaba ku faaqidnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo taxliilaadka falanqeynta xidigaha iyo dhamaan kooxaha la isla xiriirinayo.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Barnaamijkeenan usbuucan ayaynu ku falanqeyn doonaa Muxuu Romelu Lukaku Kusoo Kordhin Karaa Man United? Sadex Xidig Oo Chelsea u Noqon Kara Bedelka Lukaku Kadib Markii Xidigan looga Dulqaaday, Saxiixyada Arsenal Iyo Weliba Qodobo Kale Oo Xiiso Leh.

Muxuu Romelu Lukaku Kusoo Kordhin Doonaa Kooxda Manchester United?

Tababare Jose Mourinho ayaa iska fasaxay Zlatan Ibrahimovic iyo sidoo kale Weyne Rooney isaga oo u baahnaa weeraryahan dillaa ah ayuu wuxuu £75 Milyan ka bixiyay weeraryahanka heerka caalami ee kooxda Everton wiilka lagu magacaabo Romelu Lukaku.

Isla tababare Jose Mourinho ayuu ahaa macallimiinkii soo gabagabeeyay riyadii Lukaku ee Stamford Bridge kadib markii uu sanadkii 2014kii ka diray Chelsea.

Lkn xilligaasi xidigan reer Belgium wuxuu ahaa mid aan si weyn u hormarin. Wixii intaas ka danbeeyay garoonka Goodison Park ayuu ka noqday Geesi miciyo libaax leh. Wakhti xaadirkan waa mid kamida weeraryahanada ugu halista badan qaarada Yurub.

Waxaa xusid mudan in tababare Jose Mourinho uu xidigan ku garaacay kooxdoodii hore ee Chelsea kuwaasi oo si weyn u xiiseynayay saxiixa xidigan.

Hadaba xubintan waxeynu ku falanqeyn doonaa waxqabadka xidigan iyo waxa uu kooxda Manchester United kusoo kordhin karo.

Istaatikada Xidigan

Gool dhalinta Romelu Lukaku ayaa ku filan inaan sawir ka bixino istaatikadiisa. Wuxuu xilli ciyaareedkii hore horyaalka ka dhaliyay 25 Gool. Kaliya waxaa ka sareeya Harry Kane.

Lugtiisa midig wuxuu ku dhameys tiray 7 Gool weliba isaga oo bidixle ah. Waa tiro goolal ah oo ka badan inta ay weeraryahanada qaar midiglayaal ah ay dhaliyeen sida Christian Benteke, Gylf Siggurdson, iyo weliba Roberto Firmino.

Lugtiisa bidix wuxuu ku dhaliyay 12 gool, waana weeraryahanka kaliya ee xilli ciyaareedkii dhamaaday tiro goolal ah oo intaas le’eg ku dhamey tira lugta bidix.

Sidoo kalena waa xidiga 3aad ee goolasha ugu badan madax ku dhaliyay(6 gool).

Awooda Lukaku

Awooda uu xidigan leeyahay ayaa u saamaxeysa inuu Manchester United kasoo qaado kaalinta Lixaad isla markaana ka dhigo koox u tartamaysa Horyaalka.

Waa nin quwad iyo jidh isku darsaday. Kubadaha sare waa xidig awood u leh inuu hawada ka qaato. Garab iyo cudud aan si sahlan loo loodin karina waa leeyahay.

Intaas waxa u dheer inuu goolasha u dhalin karo qaab kasta oo uu doono. Madax, lugta midig, lugta bidix, booditaan iyo qalaamo rogad intaba waa xidig gool ku keeni kara.

Qaab Ciyaareedka iyo Taaktikada Kooxda

Kooxda Manchester United waa naadi aad u xoogan oo dhisan marka loo eego kooxda Everton. Everton inta badan waxey isku dayi jirtay inay daafacato kadibna weerar rogaal celis ah qaado. Lkn kooxda Shayaadiinta cascas waa naadi weerarkeedu xooganyahay waxaana kaliya ka dhiman waa dhameys tir.

Lukaku oo kubad weerar ah kula midooba xidigaha ay kamidka yihiin Paul Pogba, Juan Mata iyo Henrikh Mkhitaryan wuxuu awoodaa inuu noqdo gooldhaliye lagu riyoodo.

Kooxda Man United oo ka dhisan khadka dhexe iyo khadka daafaca ayaa u sahlaysa in Lukaku uu kooxda Jose Mourinho awoodooda xoojiyo.

Iska Ilow Romelu Lukaku, Halkan Waxaan Kuugu Haynaa Sadex Xidig Oo Ay Chelsea Diirada Saarto Si Uga Maarmaan Weeraryahankaasi Everton

Kooxda Chelsea ayuu wadnaha gooyay tababarahoodii hore ee Jose Mourinho kadib markii uu afduubtay xidig ay iyagu beryahan aad u xiiseynayeen.

Mourinho oo lagu yaqaano inuu xidigaha noocan oo kale ah afduubto ayaa ahaa isla macallinkii xidigan kasoo buriyay naadiga Chelsea.

Hadaba Kadib markii ay ku guul dareysteen inay Lukaku Lasoo wareegaan Chelsea ayaa raadinaysa weeraryahan u buuxiya booska Diego Costa kaasi oo la sheegay inuu maalmahan bixi doono.

Hadaba waxaynu xubintan ku qadaa dhigaynaa sadex xidig oo ay tahay inuu Antonio Conte diirada saaro.

1. Andrea Belotti

Kooxda Chelsea ayaa goor hore indhaha la raacday xidigan lkn waxaa ka hor istaagay qiimaha ay xidigan kuu iibinayso kooxda reer talyaani oo ah £100 Milyan. Lkn markii ay waayeen Lukaku ayay dantu ku khasbaysaa inay soo celiyaan xiisihii ay xidigan u qabeen isla markaana lacagta Qaaliga ah u huraan.

Wiilkan oo 23 jir ah ayaa 28 gool dhaliyay 38 kulan oo uu u saftay kooxdiisa Torino wuxuuna sidoo kale hadiyad u bixiyay 8 gool caawin.

Waa istaatiko aad u cajiib ah marka aad joogto koox aan heersare aheyn sida Torino. Waa xidig tayo leh misana goolasha qaab kasta u dhameys tira.

2. Pierre-Emerick Aubameyang

Weeraryahanka Dortmund ayaa ahaa xidigii ugu goolasha badnaa horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii hore.

War sidaha Independent ayaa qoraya in Madaxweynaha kooxda Dortmund uu sheegay inay xidigan iibin doonaan hadii ay helaan dalab ay ku qancaan.

28 jirkan ayaa sanadihii u danbeeyay kamid noqday weeraryahanada ugu halista badan qaarada yurub.

Hadaba kooxda Chelsea ayay la gudboontahay inay xidigan falab ka gudbiyaan si ay u ilaawaan Romelu Lukaku.

3. Edinson Cavani

30 jirkani ma ahan dookha ugu wanaagsan ee ay tahay Chelsea tixgaliso balse waa dookh kale oo u furan hadii ay xidigahaas qaaliga ah ku dhici waayaan.

Xilli ciyaareedkii hore xidigan wuxuu kooxda PSG u ansixiyay 49 Gool 50kulan oo uu saftay.

Wuxuu haystaa rikoor cajiib ah oo dhanka gool dhalinta ah marka la joogo League1. Sidoo kale kaalinta labaad ayuu ka galayaa dhamaan qaarada yurub isaga oo kusoo xiga Lionel Messi.

Iyadoo tababaraha PSG uu xiiseynayo saxiixa Kylian Mbappe ayay tahay inuu Antonio Conte ka fekero sida uu xidigan ulasoo wareegi lahaa.

Maxaa Lagaga Dhadhansan Karaa Saxiixyada Cusub Ee Arsenal Sameysay Xagaagan?

Wax badan ayay taageerayaasha Arsenal ku oriyeen tababare Arsene Wenger. Wax badan baa tababarahan lagu hiifay inuusan suuqa si wanaagsan u galin. Wax badan ayaa la maqlay Arsenal oo lexjeclo u bixin weyday lacago qaali ah si ay ulasoo wareegto xidigo heer caalami ah. Ugu danbeyn naadiga oo mudo ku dhow 20 sano aan seegin UCL ayaa xilli ciyaareedkan ka ciyaari doonta meel ka baxsan Champions League.

Hadaba iyadoo suuqa kala iibsiga ciyaartoydu uu furanyahay ayay kooxda Arsenal durtaba sameysay saxiixyo tayo leh misana ka bixisay aduun qaali ah iyaga oo muujiyay inay tartanka suuqa loogu jiro gali karaan shuruud la’aan.

Weeraryahanka kooxda Lyon ee Alexandro Lacazette ayaa ah tusaale cad kaas oo muujinaya sida weyn ee ay Asenal usoo noolaysay casrigii dahabiga ahaa ee bilowgii qarnigan(Casrigii Henry iyo Pires).

Awooda Arsenal ayaa cirka isku shareeraysa xilli aysan weli fasixin xidigaheedii magaca weynaa.

Sidoo kale waxaa xusid mudan inay Gunners lasoo heshiisay xidiga Baasha bidix ee naadiga Shcalke 04 ee lagu magacaabo Saed Kolasinac kaasi oo qandaraaskiisu gabagabo ahaa. Xidigan ayaa muhiim u ah Arsenal wuxuuna ka caawin doonaa booska Monreal.

Lacazette ayaa noqday xidiga ugu qaalisan ee ay Arsenal abid lasoo wareegto iyaga oo ka bixiyay wadarta aduun gaadhaya £52.6 Milyan. Waxay sidoo kale dalab laga soo diiday ka gudbiyeen xidiga baasha uga ciyaara kooxda AS Monaco wiilka lagu magacaabo Thomas Lemar. Lkn dalab qaali ah oo gaaraya £40 Milyan ayay qorsheynayaan inay mar kale ka geeyaan xidigaasi.

Lkn Arsenal weli waxaa haysata caqabad, caqabadaasi ayaa ah in xidigaha Alex Sanchez, Mesut Ozil, iyo OX-Chamberlain ay dhamaantood qandaraaskooda u hadhay kaliya 12 billood welina aysan saxiixin mid cusub.

Mesut Ozil ayaa isagu u muuqda mid sii joogi doona kadib markii u xaqiijiyay inuu aad ugu faraxsanyahay inay iska garab ciyaaraan weeraryahanka reer France ee Lacazette. Dhinaca kalena Alex Sanchez ayaa la tuhusanyahay inuu xiiseynayo inuu la midoobo macallinkiisii hore ee Pep Guardiola. OX ayaa isagana la sheegay inuu Liverpool kusii jeedo.

Lkn kooxda Arsenal ayaan wararkaas xanta ah oo dhan aan dhag jalaq u siin. Waxey kooxdu qorsheynaysaa inay dhamaantooda ku xasiliso qandaraas cusub oo ay ku joogaan Emirates Stadium mana doonayso xidigahan inay ka iibiso kooxaha ay horyaalka ku loolamayaan.

Hadaba Arsenal oo sii ilaashata xidgaheeda isla markaana ay xidigaha hore la midoobaan kuwan cusub ee Lacazette iyo Kolasinac iyo weliba Lemar oo la filayo inuu yimaado waxey Arsenal kamid noqon doontaa kooxaha ugu awooda badan wakhti xaadirkan.

Maxaad Ka Taqaanaa Andrej Kramaric Kaasi Oo Ay Isku Haystaan Liverpool Iyo Tottenham?

Weeraryahanka reer Croatia ee Andrej Karamaric ayaa lagusoo waramay inay isku haystaan kooxaha Ingiriiska.ah ee Liverpool iyo Tottenham sida uu qorayo war sidaha BILD ee kasoo baxa wadanka Germany.

Xidigan ayaa u ciyaara kooxda STG Hoffenheim. Xilli ciyaareedkii hore ayuu xidigan ansixiyay 18 Gool isaga oo caawiye ka noqday 8 kale 36 kulan oo uu saftay.

Xubinteenan ayaynu ki qaadaa dhigaynaa warbixin ku saabsan xiidgan.

Taariikhda Xidigan

Wuxuu ku dhashay magaalada Zagreb ee wadanka Croatia taariikhdu markay aheyd 19-June-1991. Wuxuu waayihiisa kubada cagta ka bilaabay kooxda ka dhidan isla Magaalada Zagreb ee lagu magacaabo Dinamo Zagreb. Intaas kaidb sanadkii 2013 ayuu u wareegay kooxda Rijeka oo iyana ka dhisan Croatia.

Sanadkii 2015 ayuu ku biiray Leicester City intaas kadibna wuxuu sanadkii xigay u wareegay Hoffenheim.

Qarankiisa Croatia wuxuu u saftay 21 kulan wuxuuna u ansixiyay 5 Gool.

Qaabka Uu u Ciyaaro

Xidigan waa mid ku caano maalay xirfadiisa badan ee heerka sare ah. Joogiisu waa 1.77 Mitir balse kuma wanaagsana kubadaha sare.

Wuxuu aad ugu wanaagsanyahay kunada dhulka ah wuxuuna leeyahay awood uu ku maareeyo kuna haysto kubada wakhti badan.

Wuxuu sameeyaa dhaq-dhaqaaqyo badan wuxuuna awoodaa inuu daafacyada kubada la daba maro.

Sidoo kale hadii kooxdu daafac gasho wuxuu isku dayaa inuu kubada soo doonto oo uu isagu soo shaqeeysto. Ma ahan xidig suga kaliya marka kubada loo keeno.

Wuxuu leeyahay xawaare iyo boos qaadasho heersare ah oo u sahlaysa inuu baasaska halista ah daafaca la daba maro.

Sidee Ayuu Noqon Karaa Mustaqbalka Xidigan?

Qandaraaska uu xidigan kula joogo kooxda Hoffenheim ayaa dhici doona sanadka 2020ka.

Labada kooxood ee Spurs iyo Liverpool ayaa aad u xiiseynaya balse mustaqbalkiisa Premier League ayaan la hubin inuu miro dhal noqon doono hadii uu yimaado horyaalkan.

Sanadkii 2015 ayay aheyd markii uu Leicester amaah kula joogay balse kursiga keydka aawadeed ma uusan helin fursad badan uu horyaalka kaga ciyaaro.

Nemanja Matic Mise Eric Dier?? Midkee Ayaa U Wanaagsan Inay Manchester United Lasoo Wareegto?

Tababare Jose Mourinho ayaa ku guul dareystay inuu kooxdiisa Manchester United ka saacido inay ku dhameystaan afarta sare ee horyaalka. Balse wuxuu ku dadaalay inuu kooxdiisa Champions League kasoo qeyb galiyo kadib markii uu ku guuleystay tartanka Europa League.

Kasoo qeyb galka Champions League ayaa fursad weyn u ah kooxda Manchester United waxeyna u sahli doontaa inay soo jiitaan xidigaha tayada leh ee suuqa yaala.

Hadaba xubinteenan ayaynu ku falanqeyn doonaa xidiga u wanaagsan Manchester United Eric Dier mise Nemanja Matic?

Marka aan u nimaadno labada xidig Nemanja Matic waa khad dhexe misana daafaca ku wanaagsan. Waa birlab aan la dhaafin isla markaana khadka dhexe ee burburiyaha aan ka dhaqaaqin. Waa xidig awooda inuu dillo kubado badan.

Balse da’da Nemanja Matic ayaa ah 28 taasi oo ka dhigan inuu dhowr sano kadib noqon doono mid weyn.

Dhinaca kale Eric Dier waa xidig aan tayadiisu ka liidan Nemanja Matic. Labadooduba waa isku qiimo oo waxey ku dhowyihiin £50 Milyan Oo Euro. Labada xidigba waxay khibrad uleeyihiin inay ka ciyaaraan horyaalka Premier League. Matic sadexdii sano ee u danbeysay labo kamid ah ayuu tartankan ku guuleystay. Dier isaguna labadii sano ee u danbeysay kaalinta labaad ayuu kooxdiisa ka saaciday.

Dier ayaa u muuqda inuu yahay xidiga ku haboon Man United. Xidigan waa 23 jir wuxuuna leeyahay mustaqbal wanagsan. Waa xidig la ciyaari kara Paul Pogba. Hadii ay Pogba isla qabsadaan waxay noqon doonaa mashiino soo kaca oo kooxda sanado badan u adeega. Sidoo kale weeraryahan Romelu Lukaku oo ah 24 jir ayay isku jiil noqon karaa. Waa xidig kooxdu mudo badan haysan karto isla markaana aan da’diisu weyneyn.

Adiguna akhriste fikirkaaga waad nagu darsan kartaaye xidigee ayay kula tahay inuu noqon doono dookha ku haboon Manchester United?

Asenal Mise Tottenham? Kooxdee Ayuu Kusoo Bixi Lahaa Thomas Lemar??

Weeraryahanka caalamiga ah ee kooxda AS Monaco wiilka lagu magacaabo Thomas Lemar ayaa aad loola xiriirin kooxaha Tottenham iyo Arsenal.

Kooxda Tottenham ayaa xiiseynaysa xidigan waxeyna ku loolamayaan kooxda Arsenal oo ay ka wada dhisanyihiin Waqooyiga caasimada London.

Xidigan baasha uga ciyaara AS Monaco ayaa xilli ciyaareedkii hore wuxuu kooxdiisa u ansixiyay 14 gool iyo 14 caawin tartamada oo dhan. Waa xidig xirfad badan leh isla markaana baasha uu ka ciyaaro lagu kalsoonaan karo.

Kooxda Arsenal ayaa u dhow inay weydo weeraryahan Alex Sanchez kadib markii uu xidigu diiday inuu saxiixo qandaraas cusub oo uu usbuucii ku qaadan doono £300,000 usbuuc kasta.

Asenal waxay lasoo wareegtay weeraryahan Alexandre Lacazette balse xidigan ma buuxin doono booska Sanchez ee wuxuu buuxin doonaa gol-dalool hore oo ka banaanaa weerarka Arsenal.

Hadaba Gunners ayaa Thomas Lemar diirada ku haysa si ay ugu buuxiyaan booska Alex Sanchez oo mustaqbalkiisa aan la hubin.

Dhinaca kale Tottenham ayaa iyadu u baahan inay xoojiso baasha bidix oo uu ka ciyaaro Weeraryahan Seung-Min Son waxeyna u arkaan in Thomas Lemar uu yahay bedelka dhabta ah ee xidigan.

Hadaba marka aan qiimeyno taaktikada kooxda, marka aan daraaseyno xidigaha ka ciyaara kooxda Tottenham, marka aynu saadaalino sida uu Thomas Lemar ula qabsan karo kooxdan, waxaanu kusoo gabo gabeynay inay xidigan u wanaagsantahay inuu ku biiro kooxda Tottenham taasi oo ka ciyaari doonta Champions Leage.

Marka aan dhinacyo badan ka fiirino Thomas Lemar waxaan shaki ku jirin inuu boos joogta ah ka heli doono Tottenham. Dhinaca Arsenal lama hubo inuu Sanchez usbuucyada soo socda bixi doono, sidoo kalena waxaa shaki weyn la galin suurta galnimada uu safka Arsenal ugasoo muuqan doono iyaga oo xidigo waaweyn oo magac leh ay ka xamaashaan Emirates. Xidigaha Theo Walcott, Dany Welbeck iyo OX-Chamberlain ayaan dhamaantood boos joogta ah ku haysan safka Wenger waana sababta ay tahay Lemar inuu ugu biiro Tottenham

Su’aasha Usbuuca

Jawaabtii Su’aasha Hore:-

Jawaabta saxda ah ee su’aashii usbuucii hore waxay aheyd Per Mertesacker.

Waxaa su’aashii hore si sax ah uga jawaabay akhristayaal badan balse waxaan halkan idiinku soo tabin sadexda ugu horeeya ee fursada u helay inay jawaabta saxaan.

1. Heersare

2. Zaki Hassan Haile

3. Yaxye Hazard

Hambalyo Ayaan Leeyahay Asxaabtan Iyo Intii Kale Oo Aana Magacooda La Xusin Oo saxday jawaabta su’aashii usbuucii hore.

Hadaba su’aasha usbuucan ayaa u dhigan sida tan:- Waxaan Ahay Xidig Ku Guuleystay Carling Cup. Waxaan Sidoo Kale Hantay Abaalmarinta Xidiga Ugu Fiican Kooxdeyda. Kuma Aan Guuleysan Koobab Kale Oo Maxalli Ah. Kooxdeyda Waxaan U Saftay 247 Kulan Waxaana u Dhaliyay 7 Gool Dhamaan Kulamada Aan U Ciyaaray. Qarankeyga Waxaan u Saftay 24 Kulan Balse Hal Mar Shabaqa Ma Aanan Soo Taaban. Kumaan Ahay??

Akhristayaal intaas waxaa inoogusoo idlaaday barnaamijkeenii usbuuclaha ahaa ee TAXANAHA FAAQIDAADA SUUQA oo aan idinla socodsiinayay aniga oo ah Mustafe Atam. Bogayga Facebook waxaad ku raadin kartaa magaceyga ama riix halkan buluuga ah dusheeda Mustafe Atam. Barnaamijkan mid lamid ah inta aan ku kulmayno waxaan idinkaga tagayaa Amaano Alla.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (12)

  1. abdi qani gawsaweyne says:

    LUCAS LIEVA LIVERPOOL PLAYER CENTER THIS TIME GOING THE LAZIO ITALY BY GOLDEN BOY

  2. prince ahmed zakki says:

    hdan su aaaha ka jawabo xidigas tilmamts odhan ad ku sheegten
    waaa xidiga khadka dhexe uga ciyara liverpool iyo xulka Brazil
    lucas leiva

  3. ahmed mohamed omaar says:

    asalaamu calaykum dhamaan asxaabay hadaan isku dayo su’aasha maanta

    waa LUCAS LEIVA una ciyaara liverpool

  4. AHmeth WiJÑālDüM says:

    Waa CiyaarYaHaNka Dhadka Dhex UgA Ciyaara Liverpool We LuCaZ LiVa

  5. Donza salaad ibrahim says:

    lucas lieva

  6. fuee cade says:

    lucas leiva

  7. Shaqale Dalmar says:

    lucas leiva

  8. Aguero says:

    waad mahadsantihiin sxp waa. lucas leiva

  9. yusuf says:

    hadan fikirkeyga kadhibto waa Ashley Williams

  10. ahmed says:

    lucas leiva

  11. yusuf ahmed basfar says:

    waad mahadasantihiin bahda kooxda.com hadaan isku dayo su.aasha waa waa nin la dhaho falshaiyo

  12. Bade says:

    Sxb waa lucas leiva




.








%d bloggers like this: