Tababare Wenger Oo Duulaan Ku Ah Chelsea Iyo Liverpool, Xiddigo Ay U Waalanayaan Ayuu Dhexda U Galayaan

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaya in uu kooxaha Liverpool iyo chelsea ka hor qaado xiddigo diirada u saaran isaga oo doonaya in uu u dhaqaaqo saxiixooda xagaagan.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay diyaarinayso dalabyo ay ka gudbinayso xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Celtic ee Moussa Dembele iyo Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Southampton ee Virgil van Dijk xilli uu tababare Wenger isku diyaarinayo in uu kooxdiisa u tartansiiyo hanashada horyaalka xilli ciyaareedka dambe.

Inkasta oo uu mar hore la soo saxiixda xiddigaha Sead Kolasinac iyo Alexandre Lacazette hadana tababare Wenger ayaa kooxdiisa ku riixaya in uu mar kale suuqa u galo xiddigaa Dembele iyo Van Dijk.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Wargayska Daily Express ayaaa sheegaya in tababare Wenger uu ka sii diyaar garoobayo bixitaanka suurto galka ah ee Alexis Sanchez kaas oo si weyn loola xiriirinayo kooxda man City.

Wenger ayaa Dembele u arka xiddiga ugu haboon ee buuxin kara Booska Alexis waxana wax walba u samayn doonaa sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa saxiixiisa xagaagan.

Dhanka kale Wenger ayaa doonaya in uu van Dijk ku soo xoojiyo kooxdiisa si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartamaan hanashada horyaalka.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: