Tuesday 21 November, 2017

Tababare Jose Mourinho Oo Maamulka Kooxdiisa Ku Amray In Ay Kooxda Ka Diraan Anthony Martial Qaaab Noocee Ah

Tababaraha kooxda man United ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka kooxdiisa u sheegay in ay amaah ku fasaxaan xiddiga garabka uga ciyaara ee Anthony Martial sida ay wararku sheegayaan.

Anthony Martial ayaa xilli ciyaareed niyad jab leh la qaatay kooxda Man United isaga oo kaliya dhaliyay 4 gool oo kaliya xilli ciyaareedkii hore.

Qaab ciyaareedkan xun ee xiddigan ayaa shaki weyn galiyay mustaqabalka xiddigan iyaga oo ay jireen warar sheegaya in uu doonayo in uu isaga tago kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Waxa ay u muuqataa in uu tababare Mourinho diyaar u yahay in uu 21 jirkan kooxda ka diro waliba kaliya si amaah ah uga diro kooxda si uu xilli ciyaareedka cusub u soo celiyo qaab ciyaaareedkiisii fiicnaa.

Wargaysyada Turkiga ah ayaa sheegaya in uu tababaraha reer Portugal xiddigan u ogolaan doono in uu ku biiro kooxda reer turkey ee Besiktas kooxdaas oo u balan qaaday boos joogto ah xiddigan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: