Shax Sidee Ah Ayay Chelsea Ku Soo Gali Kartaa Hadii Ay Hesho Sergio Aguero Mase Difaacan Karaan Horyaalka

Wariyaha caanka ah ee journalist Manu Sainz ayaa shaaca ka qaaday war weyn oo saacadihii ugu dambeeyay dhex mushaaxayay baraha bulshada taas oo ah in uu Tababaraha kooxda Man City ee Guardiola ogolaaday in uu weeraryahankiisa reer Argentine ee Sergio Aguero xagaagan ku biiro kooxda Chelsea.

Chelsea ayaa suuqa ugu jira weeraryahan kadib markii tababare Conte weeraryahanka reer Spain ee Costa u sheegay in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Kadib markii uu seegay Weeraryahanka reer Belguim ee Romelu lukaku Conte ayaa wali suuqa ugu jira weeraryahan uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub.

Conte ayaa lala xiriirinayay weeraryahanada kala ah Alvaro Morata,Andrea Belotti iyo Pierre-Emerick Aubameyang kuwaas oo uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Laakiin warar haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Blues heli karto weeraryahanka labada jeer ku guulaystay premier league ee Sergio Aguero oo aan ku faraxanayn kooxda Citizen.

Hadaba Halkee Ayuu ka Gali karaa Shaxda Blues hadii uu si Lama Filaan ah u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Chelsea:

Shaxda Rasmiga Ah:

Goolhaye: Courtois

Daafac: Aspilicueta,Luiz,Cahil,

Khadka Dhexe: Moses,Alonso,Bakayoko,Kante,

Weerarka: Pedro,Aguero, Hazard.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: