Saturday 25 November, 2017

Sergio Aguero Oo Kooxda Ac Milan Ka Caawinaya In Ay Helaan Pierre-Emerick Aubameyang ama Andrea Belotti Laakiin Sidee?

Kooxda Ac Milan ayaa la filayaa in ay haatan xor u noqoto baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang ama Andrea Belotti kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in chelsea dareenkeeda u jeedisay saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero.

Sida ay ogaatay shabakada Sky sports kooxda chelesa ayaa xiiso dhab ah u haysa saxiixa xiddigan reer Argentine xilli uu xiddigan xilli ciyaareedkii hore boos joogto ah ka waayay kooxda wakhtiga qaar.

Sidaa darteed kooxda Ac Milan ayaan tartam dambe oo ku daan Aubameyang iyo Belotti ayna kala kulmi doonin kooxda chelsea oo ay xor u tahay in ay weeraryahanka ay doonto dhamaystirto saxiixiisa.

Madaxweynaha kooxda Ac Milan Marco Fassone ayaa xaqiijiyay in labada weeraryahan ay yihiin xiddigaha ugu muhiimsan ee wakhti xaadirkan u saaran diirada kooxda.

Ac Milan ayaa ilaa haatan ah kooxda ugu cad-cad ee sida fiican u gashay suuqa kala iibsiga iyada oo ilaa haatan samaysay 10 saxiis oo waaweyn.

Share on Facebook

Comments

comments

One Response to "Sergio Aguero Oo Kooxda Ac Milan Ka Caawinaya In Ay Helaan Pierre-Emerick Aubameyang ama Andrea Belotti Laakiin Sidee?"

  1. alii says:

    city fun’s ma ogalin aguero inu baxo no no

Leave a Reply

Submit Comment