Saturday 25 November, 2017

Sawiro: Daawo Xiddigaha Man City Oo U Kicitimay Dalka America Iyo Saxiixa Cusub Ee Kyle Walker Oo Ku Jira

Saxiixa cusub ee kooxda Man City Kyle Walker ayaa saaxiibadiisa cusub ula safray dalka America halkaas oo ay kaga qayb qaadand doonaan tartanka International Champions Cup.

Walker ayaa noqday daafacii ugu qaalisanaa ee taariikhda suuqa kala iibsiga kadib markii uu kooxda Man City kaga biiray kooxda Tottenham jimcihii waxana uu saaxiibadiisa cusub si fiican isku baran doonaan inta lagu guda jiro saddexda kulan ee ay ku soo ciyaari doonaan America.

Xiddigan reer Enngland ayaa ahaa mid aad u dagan oo faraxsan waxana uu kulankiisa ugu horeeya kooxdiisa cusub u safan doonaa kulana ay la ciyaarayso man United habeenka khamiista.

Walker ayaa wakhti horeba saaxiibo xiriir fiican ka dhexeeyo ku dhex leh kooxda Man city kuwaas oo kala ah John Stones iyo Raheem Sterling kuwaas oo ay ka wada ciyaareen xulka qaranka England.

Xiddigaha John Stones iyo Raheem Sterling ayaa sidoo kale ka mid ahaa xiddigaha u kooxda Tababare Guardiola ula safray dalka America.

Sidoo kale kabtanka kooxda Vicent Kompany, Sergio Aguero, Gabriel Jesus, David Silva iyo Goolhayaha cusub ee Ederson ayaa sidoo kale ka mid ahaa.

Samir nasri oo xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay kooxda Sevilla ayaa sidoo kale ka mid ahaa xiddigaha ku jiray kuwa safray.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment