Real Madrid Oo Dalab Kala Bax Ah Ula Tageysa United ,De Gea Ayay La Xariirtaa ,Imisa Ayay Ku Doonayaan?.

Madaxa Real Madrid ee Florentino Perez ayaa la xusayaa in uu diyaar u yahay in dalabkii ugu damabeeyay ay ula tagaan United oo ay kaga doonayaan saxiixa goolhaye De Gea

The Sun ayaa sheegeysa in Real dalabkooda ugu dambeeya uu noqonayo 50 milyan oo gini haddii ay waayaanna ma jiri doono mid cusub oo ay ka geynayaan

Real ayaa golhayahaas hore Atletico Madrid baacsaneysay in muddo ah waxa ayna u arkaan midka ugu haboon ee ilaalo ka qabta goosha Real

Isku dayagii ugu fiicnaa waxa uu ahaa bishii August ee sanadkii 2015 -kii xilligaas oo hishiiska ay ku heli lahaayeen De Gea uu fashilmay saacadihii ugu dambeeyay ee uu xermayay suuqa kala wareegga

Goolhayaas 26 sano jirka ah ayaa United u saxiixay ka dib hishiskaas fashilmnay hishiis 5 sanno ah balse dhankiisa ma diidana in uu ku laabto La Ligaha

United iyo Real ayaa axadda wada ciyaaraya kullan ka tirsan ICC Trophy waana kullankii ugu horeeyay ee uu tababare Jose uga hor tagayo kooxdiisa hore Real Madrid

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. mohamed adam says:

    reer real madrid sorry De GEA is not for sell ee iimankiina kiyaawe ku dhuuqsada xariir wax kala gadasho nagama dhaxeyo idinka iyo anaga

  2. Kilosh says:

    Real iyo utd waxba kalama gadanayaan reer real iska iloow de gea hadii de gea heshaan man utd fans ma ahi beenaale ayn ahay.xiran bidaar love kaalay Naga aqli badi hadaad qabiir tahay.




.




.




%d bloggers like this: